Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tartanka kubadda Gacanta Ardayda Dugsiga Banaadir Zone oo Muqdisho lagu soo gabegabeeyay +Sawirro

0
Friday January 15, 2016 - 08:30:17 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka kubadda Gacanta Ardayda Dugsiga Banaadir Zone oo Muqdisho lagu soo gabegabeeyay +Sawirro

    Tartanka kubada Gacanta oo loo qabtay ardayda Dugsiga Banaadir Zone ayaa magaalda Muqdisho lagu soo gebagabeeyay waxaana xafladii xeritaankaoo ka dhacaday garoonka Wiish kasoo qayb galay , Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhalinyaraa iyo Isboortiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka kubada Gacanta oo loo qabtay ardayda Dugsiga Banaadir Zone ayaa magaalda Muqdisho lagu soo gebagabeeyay waxaana xafladii xeritaankaoo ka dhacaday garoonka Wiish kasoo qayb galay , Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhalinyaraa iyo Isboortiga, Guddiga Olombikada, qaar ka mid ah madaxda xiriirada, Masuuliyiinka Dugsiga Banaadir Zone iyo Marti sharaf kale.

Tartanka oo ay ka qayb galeen afar xarun oo Dugsiga BanaadirZone ka mid ah ayaa loo cayaaray qaab is arag ah waxaana 10 dhibic ku qaaday Banadir Zone Yaaqshiid kaalinta labaad 7 dhibic waxaa la yimid Banaadir Zone Shibis, labadaas dugsi ayaa kulan saaxiibtinimo ku cayaaray garoonka Wiish taasoo kusoo bandhigeen cayaar wanaagsan.

Marki ay cayaarta soo idlaatay waxa ugu horeeyn xaflada ka hadlay Madaxa Isboortiga Dugsiga Banaadir Zone Cabdullaahi Xasan Kuusoow, waxuuna sharaxaad ka bixiyay tartanka iyo mudada uu socday waxuuna tilmaamay in hal Calaamad oo roose aanan la bixin taasna ay ka turjumayso intartanka kasoo qayb galeenciyaartooy arday ah walina kujira waxbarsho asluubtooda ay sareyso.

Ustaad Cabdalla Cabdaala Cali oo ka mid ah Maamulka Banaadir Zone oo isna ka dhalay xaflada ayaa sheegay in tartanka kubada Gacanta uu ka mid yahay tartamada kale gedisan ee dugsiga qabto si uu uga qayb qaato horumarka isboortiga dalka.

Ustaad Cabdalla aya dhanka kale tilmaamay In Banaadir Zone oo kaashanaya maamulada iyo xiriirada isboortiga dalka ay qabteen tartamada dhamaan xiriirada dalka iyo tababaro lagu soo saarayo garsoorayaal qeybaha kale gedisan ah, waxuuna mahad celin usoo jeediyay Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada gacanta oo xaga farsada ka taageeray qabsoomidda tartankan.

Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay si loo horumariyo isboortiga dalka loo baahan yahay qabashada tartamada iskuulada oo laga heli cayaartooy tayo leh waxuuna amaan usoo jeediyay Banaadir Zone oo xil iska saaray in ay door ku yeeshaan dadaalka lagu horumarinayo isboortiga dalka.

Ugu dambayn waxaa xaflada soo xeray Agaasimda waaxda Isboortiag Wasaaradda Dhalinyarada Cabdulaahi Aabow Xuseen waxuuna sheegay in Wasaaradiisu ay soo dhaweynaso tallaabada kudayashada mudan ee uu qaaday dugsiga Banadir Zone ,waxuuna Dugsiadya kale ee waxbarshada ugu baaqay in ay u istaagaan horumarinta isboortiag dalka, waxaa halkaas lagu bixiyay koobabkii kaalmaha hore iyo abaalmarino kale duwan.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.