Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

FC Muqdisho oo barbaro kucelisay Dekedda +Sawirro

0
Wednesday January 27, 2016 - 23:01:54 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FC Muqdisho oo barbaro kucelisay Dekedda +Sawirro

    Kooxaha kubadda cagta Dekedda iyo FC Muqdisho ayaa shalay galab ku kulmay garoonka Banaadir kulanki 21-aad ee horyaalka. FC Muqdisho oo raadinaysa guushii koowaad ee horyaalka ayaahogaanka cayaarta la wareegtay daqiiqadi 3-aad waxaa goolka u dhali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha kubadda cagta Dekedda iyo FC Muqdisho ayaa shalay galab ku kulmay garoonka Banaadir kulanki 21-aad ee horyaalka. FC Muqdisho oo raadinaysa guushii koowaad ee horyaalka ayaahogaanka cayaarta la wareegtay daqiiqadi 3-aad waxaa goolka u dhaliyay kabtanka kooxda Ayuub Yaxye Xaaji. basle waxaa 2ool kaga jawaabay Dekedda.

Waxaa goolka barbaraha waxaa daqiiqadi 17 u dhaliyay xiddiga No -11 C/casiis Hoomeey, waxaana oolka labaad u raaciyay Maxamed Abshir Abuukar( Shooli), 2-1 oo ay hogaanka u hayso kooxda Dekedda ayaa qaybta hore lagu kala nastay.

Marki laysku soolaabtay FC Muqdisho ayaa lasoo baxday cayaar weerar ku dheehan waxayna dadaal dheer kadib heleen goolka Barbaraha waxaan daqiiqadi 79- u saxiixay C/saaq Abuukar Rooble. Waana goolkii ugu qurxoonaanhoryaalkan oo uu cayaaryahan dhaliyo.

Ciyaarta ayaa ugu dambayn kusoo gebagabowday 2-2

Dekedda ayaa kaalinta labaad ee horyaalka fahdida waxayna leedahay 11 dhibcood, halka FC Muqdisho ay kulanka heshay barbarihi labaad waxayna kaalinta 9 la fadhidaa 2 dhibcood.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta Gos





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.