Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxda I.L.S oo ciyaartooy heeer qaran ah lasoo wareegtay+Sawirro +Sawirro

0
Saturday February 20, 2016 - 13:21:01 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda I.L.S oo ciyaartooy heeer qaran ah lasoo wareegtay+Sawirro +Sawirro

    (Nocsom)-Kooxda kubada Koleyga I.L.S ee ka ciyaarta horyaalka Soomaaliya ayaaciyaartooy heer qaran ah kala soo wareegtay dalka Canada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Nocsom)-Kooxda kubada Koleyga I.L.S ee ka ciyaarta horyaalka Soomaaliya ayaaciyaartooy heer qaran ah kala soo wareegtay dalka Canada.

Labada Xiddig oo lagu kala magacaabo Maxamed Maslax Maxamed iyoKooshin C/salaan Diirye ayaa kusoo barbaaray dalka Canada ookubada koleyga kasoo bilaabeenMin Basket-ka , waxayna ka mid ahaayeen ciyaartoydii matalay xulka qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galay ciyaarihii Zone 5 2013 Tanzania iyo2014 Uganda ka dhacay.

Maxamed Maslaxoo goobjoog la hadlay ayaa sheegay in 25 sano kadib dalka dib ugu soo laabtay sharafna ay u tahay inuu ka ciyaaro horyaalka kubada koleyga dalka, waxuuna intaa kudaray in ujeedka ugu weyn ee ay dalka u yimadeen isaga saaxibkii Kooshin ay tahay in ay bilowga u noqdaan ciyaartoyda kale ee dalka dibadiisa kunool ayna ka rajeynayaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Guddoomiyaha XSKK C/laahi Nuur Maxamed Caddaani ayaa shir jaraa'iid uu Arbacdii magaalada muqdisho kuqabtay ugu mahad celiyay ciyaartoydadalka hooyo dib ugu soo laabtay ee doonaya in ay ka ciyaaraan horyaalka tasoo guddoomiyuhu ku sheegay in ay tahay horumarka kubada Koleyga , dhanka kale Cadaani waxuu mahad celin usoo jeediyay kooxda I.L.S oo talaabo horumar ah qaaday, waxuuna kooxaha kale ka dalbaday in ay la yimaadaan dadaalka kooxda I.L.S, xiriirkuna uu soo dhaweynayo ciyaartodya qaranka meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Sidoo kalekooxda I.L.S waxaa dib ugu soo laabtay Faarax Warsame Faarax oo dalka Kenya ka yimid kaasoo ka mid ahaa xiddigihi kooxda ee sanadki tagay ku guuleystay kooba Jenaraal Daa'uud.

Maxamed Maslax iyo Kooshin ayaa ah ciyaartoydii ugu horeysay ee xulka qaranka matala ee dalka dalka ka ciyaara waxayna kulankooda ugu horeeya Axadda ka hor tagi doonaan kooxda Dekedd oo ah koox ay si weyn u loolamaan I.L.S.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.