Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Maalinta Nabdda iyo isboortiga oo si weyn looga xusay Soomaaliya+Sawirro

0
Thursday April 07, 2016 - 01:32:04 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1675
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Nabdda iyo isboortiga oo si weyn looga xusay Soomaaliya+Sawirro

    Waxa magaalada muqdisho lagu qabtay xuska Maalinta caalamiga ee u adeegsida isboortiga horumarka iyo nabadda iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada muqdisho lagu qabtay xuska Maalinta caalamiga ee u adeegsida isboortiga horumarka iyo nabadda iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Munaasabadan oo ka dhacday garoonka Banaadir ee magaalada muqdisho waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga Olombikada, madaxda Xiriirada, uruurada , masuuliyiin ka socotay hey'adaha qaramada midoobay ee dalka ku sugan ciyaartoyda qeybaha kale gedisan ee xiriirada dalka, ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadi, iskuulada, kooxaha hidaha dhaqanka iyo Banda Muusika.



Ciyaartoyda oo garoonka soo buux dhaafiyay ayaa garoonka kusoo maray socod iyadoo xiran labiska ay astaanta u leedahy koox waliba waxaana muusiksoo jiitay dadweynihii garoonka ku sugnayd garaacaykooxda ciidanka Booliska Soomaaliyeed Banda Musika.


Ugu horeyn waxaa qudbahada daah furay guddoomiyaha Ururka Ciyaartoyda SoomaliyeedXasan Axmed Barre waxuuna yiri farxad ballaaran ayay u tahay in bahda isboortiga ay ku kulmaan munaasabda6-da April oo laba munaasabad oo qaali ah kulmisaislamarkana ay wax weyn iska badlaaneen sanadki hore, si qaranka Soomaaliya qeybahiisa kal gedisan lahorumariyo loo baahan yahay in la lagu dadaalo waxyaabaha horumarin ka ciyaartoyda.


Xogahayaha Guud ee guddiga Olombika SoomaaliyeedDuran Axmed Faarax oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxuu faahfaahin dheer ka bixiyay qaabka ay munaasadan iyo kuwii ka horeeyay kubilowdeen waxuuna tilmaamay in la ansaxiyay 2013 guddiga olombikada uu sandki seddexad oo xiriir ah qabanyo.

Xoghayaha ayaa intaa kudaray in guddiga olombikada si loo dhiiro geliyo ciyaartoyda uu ansaxiyay maalin ay leeyihiin ciyaartodya Soomaaliyeed oo sanadki labaad u tahay sanadkan , haddii aan ciyaartoy la helina aysan jireen, Xiriir, Olombikada iyo isboorti intaba loona baahan yahay in sare loo qaado tayada iyo xirfadda ciyaartoyda Soomaaliyeed guud ahaan si loo gaaro guusha mustaqbalka dhaw.


Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay ay muhiimad gaar ah leedahay in ciyaartoyda Soomaaliyeed isu bax balaaran oo sanad le yeeshaan waxuuna tilmaamay inisboortiga uu yahay nabad, caafimaad iyo isdhaxgalka bulshada isagoo umadda Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku dhaqan ugu baaqay in ay kawada qeyb qaataan sare u qaadida isboortiga dalka.




Ugu dambeyn waxaa xaflada soo xeray Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow, waxuuna sheegay in xafladan si wanaagsan loo soo agaasimay wasaaraduna ay qaadan doonto doorka ay ku leedahay horumarinta isboortiga gaar ahaan helida garoomo lagu ciyaaro oo muhiim u ahaa kooxaha dalka oo ay dhibaato kahayso dhanka garoomada.

Waaxda warfaafinta Gos

Info@nocsom.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.