Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Fullinta Gos oo shir Ku yeeshay Magaalada Muqdisho +Sawirro

0
Wednesday April 20, 2016 - 02:07:56 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Fullinta Gos oo shir Ku yeeshay Magaalada Muqdisho +Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa shirkii guddiga Fulinta ee seddexdii Bil mar la qabto ku yeeshay xarunta uu ku leeyahay magalaaada Muqdisho waxaana shir guddoominayay ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Cabdi Xasan Wataac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa shirkii guddiga Fulinta ee seddexdii Bil mar la qabto ku yeeshay xarunta uu ku leeyahay magalaaada Muqdisho waxaana shir guddoominayay ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Cabdi Xasan Wataac.


Shirkan oo ay inta badan guddiga Fulinta xaadir ahaayeen waxaa sidoo kale kaso qayb galay Guddoomiye Sharafeeka Gos Cabduqaadir Ibraahin Gacal Abkoow ayaa looga hadlay waxyaabihii qabsoomay seddexdi ee lasoo dhaafay , waxaana warbixinta waxqabadkaas soo jeediyay Xoghayaha Gos Duraan Axmed Faarax.


Xogahayahaya ayaa sheegay in Gos ay sedexdi bil ay lasoo dhaafay howlo muhiim ah oo ka mid ah howlaha sanadka u qorsheysnaa ay u qabsoomeen waxuuna ka xusaywaxqaadka Uruurka dugsiayda Gos oo 50 iskuul macalimiintooda tabarka qayabha kale gedisan ee isboortiga u qabtay si ay usoo saaran ciyaartoy tayo leh , tartamo Orodo iyo kubada laliska oo loo qabtay iskuulada , dayac tir lagu samaayey qaar ka mid ah garoomada iskuulada ee burbursan, tababar heer caalami oo macalin kubadda Laliska loogu diray dalka dibadiisa , tabaarka dhanka sharciga iyo isboortiga oo Gos ay u dirtay sharciyaan gos Katirsan , tababar dhanka suuqgetna oo Gos ka qayb qaadatay , Gos oo qalab isboorti ugu deeqday Xiriirada , Qaar ka mid sooniska Gos oo qalab xafiis loogu deeqay iyo xuska Maalinta Caalamiga iyo nabadda isboortigaisla markaana ay wehliso maalinta ciyaartoyda Soomaliyeed oo si weynlooga wada qayb qaatay xuskeeda iyo howlo kale oo muhiim ah.



Shirka ayaa dhanka kale lagu falanqeeyay waxyabaaha u qorsheysan Gos waxaanaGuddiga Fulinta kadib falanqeyn dheeriyo kadodid ariamaha muhiimka ay isla garteen 1- in sare loo qaado diyaar garowga ciyaaraha Olombikada Aduunka 2016 ee Rio, kuwaa oo horeyba u socday 2. in la xoojiyo wada shaqeynta Gos iyo Xiriiradiisa si loo helo waqbad miro dhal ah, 3 si loo helo ciyartooy tayo leh in ladayatiro garoomada lagana dhigo kuwa la jaan qaadi kara kuwa heerka Caalami , in xuska maalinta nabadda iyo isboortiga iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed la balaariyo laguna qabto gobolada dalka iyo raadinta garoomada muhiimka eegacanta xiriirada ka maqan xooganala saaro sidii dib loo soo celin lahaa.

Guddiga Fulinta ayaa dhanka kale isku raacay in xuska Maalinta Olympic day oo ku beegan 23 June dib loo dhigo maadaama ay kusoo aadeyso bisha Barakeysan Ramadaan islamarkaana gobolada dalka lagu baahiyo munaasadan heerka caalami.



Ugu dambeyn waxaa Guddiga Fullinta isku raacay qorshe howleedka seddexda bil ee soo socota iyo dadki qaban doona howlahaasi culus.

WaaxdaWarfaafinta Gos

Info@nocsom.com


 

 

 


MOD_GA_NOIMG


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.