Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gos oo tartan isdhaxgalka dhalinyarada ka furtay Muqdisho+Sawirro

0
Tuesday May 10, 2016 - 22:59:41 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gos oo tartan isdhaxgalka dhalinyarada ka furtay Muqdisho+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa muqdisho ka furay tartan kubadda cagta oo ay ka qayb galayaan 15 iskuul waxaana xafladii furitaanka kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socotay Gos, Maamuulka degmada Shangaani, ardayda 15-ka iskuul iyo marti sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa muqdisho ka furay tartan kubadda cagta oo ay ka qayb galayaan 15 iskuul waxaana xafladii furitaanka kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socotay Gos, Maamuulka degmada Shangaani, ardayda 15-ka iskuul iyo marti sharaf kale.


Munaasabadda Furitaanka oo ka dhacday garoonka kubada cagta dugsiga shariif Calawi ee degmada Shangaani waxaa ugu horeyn ka hadlay C/laahi Xasan Kuusoow oo ka mid ah guddiga qaban qaabata tartanka waxuuna sheegay in tartanay ka qayb galayaan 15 iskuul oo ka mid ah iskuulada gobolka Banaadir isla markaana ay diyaar garow wanaagsan usoo galeen iskuulada.

Madaxa xiriirada GosXaaji Maxamed Axmed Colow oo goobta ka hadlay ayaa aad uso dhaweeyay qabashada tartankan waxuu tilmaamay inaymuhiim tahay in ay ardayda loo qabto tartanao ay isku dhax galayaan kuna saaxiibayaan, waxuua u dardarmay in la jooteeyo tartanadan.



EX Xildhibaan Caamir shakeeti oo ka mid ahaa masuliyiintii xaflada furitaanka kasoo qayb gashay ayaa dhankiisa tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay in tartan loo qabto 15 dugsiwax badan oo faa'iido ah ay kasoo bixi doonaan.

Ugu damabeyn waxaa xaflada ka hadlay oo tartanka furay xogahayaGos Duran Ahmed Faarax waxuuna ysheegay in Guddiga Olombikada oo ka duulaya qorshahiisa ah in isboortiga laga soo bilaabo heeraraka iskuulada iyo degmooyinka uu tartanka usoo abaabulay caruurta yar ee waxbarashada ku guda jirta si loo helo ciyaartoy da'yar asluub iyo aqoon wanaagsan leh.

" Waxaa dooneynaa in dhalinyarada waqtigooda kasoo hara waxbarashada ay isboortiga fursad u helaan isla markaana ay isku bartaan,"tartankana waxaa ka qeyb galaya arday da'doodu u dhaxeyso 11 ila a13 jir si looga helo ciyaartoy waxgal oo mustaqbal ku yeesha isboortiga dalka ayuu Duran yiri."

Xoghayaha ayaa dhanka kale u mahad celiyay Shirkada SKA Groupoo Gos ka caawisay taaba gelinta tartankan waxuuna shirkadaha kale ee dalka ku sugan kuwa Soomaaliga iyo kuwa aanSoomaaliga ahayn ugu baaqay in ay ka qayb qaataan tartanada is dhexgaalka dhalinyarda heer iskuul iyo mid degmo tasasoo lagu gaari karo in dhalinyarda ka baaqsadaan waxyaaaha horumarakooda dib u dhigi kara.

Tartan oo ay ka qayb galayaan 15 iskuul oo afar Group loo qeybiyay ayaa kulanki furitanka waxa lagu daah furay iskuulada Cabdicasiis iyo Wiilaal waxayna 1-0 guusha ku raacday Iskuulka Cabdicasiis.

Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocsom.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.