Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Muqdisho ku soo gaba gabeeysay tartan ay dhalinyaro u qabatay [Sawiro]

0
Tuesday May 24, 2016 - 23:27:34 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Muqdisho ku soo gaba gabeeysay tartan ay dhalinyaro u qabatay [Sawiro]

    Gudigii waday tartanka is dhexgalka dhalinyarada oo ka socday magaaada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa soo gaba gabeeey iyada oo ay kulankii fiinaalaha ay soo xaadireen marti sharaf ka duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudigii waday tartanka is dhexgalka dhalinyarada oo ka socday magaaada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa soo gaba gabeeey iyada oo ay kulankii fiinaalaha ay soo xaadireen marti sharaf ka duwan.

Tartanka waxa soo abaabulay gudiga olombikada soomaaliyeed waxaana maalgalisay shirkada Project of SKA Internatinal Group oo ah haayad horumarineed taas oo uu saldhigeedu yahay gegida caalamiga ah ee diyuuradaha Aadan Cade.


Kama dambeytsa waxaa isugu yimi Iskuulada Cabdi casiis iyo 12-ka Oktober waxaana 3-1 ku adkaaday Cabdicasiis.


Markii uu kulanka soo idlaaday waxaa madasha ka hadal ka jeediyey C/laahi Xasan Kuusoow oo ka mid ahaa Guddiga waxuuna sheegay Tartanka ay kasoo qeyb galeen Arday da'doou u dhaxeyso 11 ilaa 13 Jir isla markaana ay soo bandhigeen ciyaarihi laga rajeynayay waxuna u mahad celiyay Macalinmiinta isboortiga ee Iskuulada oo si wanaasgan ula shqeeyay Guddiga inta uu tartanka socday.




Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xogyaha GOS Duran Axmed Faarax kaas oo sheegay in ujeedka tartanka uu ahaa is dhex galka ardayda iyo in ciyaaryahano tayo leh ay ka soo baxaan.

Waxa uu yiri: "Waxaan goobjoob u ahaa kulamo badan aniga oo arkay ciyaaryahano mustaqbal wanaagsan leh, asluubtoodana dhaxal gal tahay.

"GOS waxa ay tartanka u saartay gudi qiimeyn ku sameeya ciyaaryahanada waxaana loo raadin doono tartan caalami ah oo ay mustaqbalka ka qeyb galaan iyadoo xaflad gar ah ooo koobabka kalmaha hore iyo qiimeynta ciyaartoyda loo qaban doono todobaadka.


Xoghayaha waxa uu ugu dambeyn u mahad celiyey Shirkada SKA oo iyadu taaba galisay tartanka iyo dhamaan kuwii tartanka maamulay, Iskuulada, macalimiinta iyo cyaaryahanadii ka qeyb qaatay isaga oo ku baaqay in shirkada maxaliga ah iyo kuwa dibadaba ay ka qeyb qaataan horumarinta ciyaaraha wadanka, sidoo kale waxa uu balan qaaday in uu noqon doono tartanka mid joogta ah lana qaban doono ciyaaro kale gedisan.

Waaxda Warfaafinta Gos

Info@nocsom.com


_MG_9950 DSC09336_MG_0002_MG_0011_MG_0012

DSC09428

DSC09424_MG_0019_MG_0029_MG_0045_MG_0107_MG_0111_MG_0113_MG_0332_MG_0335_MG_0345DSC09481DSC09487IMG_0309IMG_0312IMG_0317IMG_0320




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.