Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tartanka is dhex galka dhalinyarada oo si heer sare lagu soo xeray+Sawirro

0
Saturday May 28, 2016 - 00:44:46 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartanka is dhex galka dhalinyarada oo si heer sare lagu soo xeray+Sawirro

    Tartanka is dhexgalka dhalinyarada oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Olombiakda Soomaaliyeed ayaa xaflad heer sare ah lagu soo xeray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka is dhexgalka dhalinyarada oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Olombiakda Soomaaliyeed ayaa xaflad heer sare ah lagu soo xeray.



Shirkada Project of SKA Internatinal Group oo ah haayad horumarineed taas oo uu saldhigeedu yahay garoonka caalamiga ah ee diyuuradaha Aadan Cade oo tartanka taaba gelisay ayaa xaflad lagu abaalmarinayo kooxaha kaalmaha ugu qabatay xarunteeda, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Guddiga Olombikada iyo Shirkadda SKA, macalimiinta iyo Ardeyda labada iskuul ee kaalmaha hore tartanka ka galay.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Xoghayaha Gos Duran Axmed Faarax waxuuna sheegay in Tartankan ay Gos ugu talo gashay in dhalinyrada xilliga waxbarashada kujirta isku bartaanlagana helo ciyaartoy mustqbal ku yeesha isboortiga.

Xoghayaha ayaa intaa ku daray in tartanka ay kasoo muuqdeen ciyaartooy badan waxtar leh taasoo muujineysa in uu tartanka miro dhal noqday, isla markaana ay joogtayn doonan tartamada kale gedisan ee ay ku horumarinayo isboortiga dalka.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Frank Duran oo ah madaxa shirada SKA , waxuuna sheegay in SKA ay dalka u joogto in ay ka qeyb qaadato horumarka dalka isboortiga uu yahay qeybta ugu muhiimsan ay dhalinyarada ka heli karaan fursado wanaagsan, waxuuna u mahad celiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo tartanka soo abaabulay dhankoodana ay diyaar u yihiin ay ka qeyb qaataan tartamada kale gedisan e lagu horumarinayo isboortiga Soomaaliya.

Tartankan oo soo bilowday 7 may waxaa lasoo gebagabeeyay 23 May waxaana ka qeyb galay 15 Iskuul , kama dambeystawaxaa isugu soo haray Iskuulada Cabdicasiis iyo 12-ka Oktoobar waxaana 3-1 koobka ku qaday IskuulkaCabdicasiis.

Ugu dambeyn waxaa halkaas lagu bixiyay abaalmarino ay ka mid yihiin koobka kaalinta kowaad, kaalinta labaad laacibka ugu wanaagsan tartanka oo la guddoonsiiyay da'yartaka degmada Cabdicasiis. Idiris Maxamed Bilaal.

Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocsom.com

 Halkan ka daawo Sawro Dheeri ah.


 _MG_0455 _MG_0472 _MG_0477 _MG_0481 _MG_0486 _MG_0493 DSC00008  DSC00014 DSC00020 DSC00028 DSC00034 DSC00035 - Copy DSC00041 DSC00042 DSC00046 DSC00054 DSC00060 IMG_0401 


 


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.