Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Maalinta Olimbikada Adduunka oo Soomaaliya laga Xusay +Sawirro

0
Sunday July 24, 2016 - 14:23:10 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Olimbikada Adduunka oo Soomaaliya laga Xusay +Sawirro

    Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS ayaa soo agaasima xaflad balllaaran oo lagu xusayo maalinta Olombikada Adduunka (Olmpic Day ) oo ku beegnayd 23 June, balse sanadki labaad oo xiriir ah ay GOS dib u dhigeen, maadaama ay ku soo beegantay bisha R

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS ayaa soo agaasima xaflad balllaaran oo lagu xusayo maalinta Olombikada Adduunka (Olmpic Day ) oo ku beegnayd 23 June, balse sanadki labaad oo xiriir ah ay GOS dib u dhigeen, maadaama ay ku soo beegantay bisha Ramadaan, Gos iyo IOC-na ay isla garteen in la qabto 23 July.


Dabaaldegga maalinta Olimbikada adduunka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga GOS, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, Xiriirka Kubadda Laliska iyo martisharaf kale.


Munaasabaddan oo lagu qabtay Magaalooyinka Muqdisho , Baydhabo iyo Kismaayo tartamadii lagu xusay waxaa ka mid ahaa ciyaaaro orodo ah, oo ay ka qayb qaateen inka badan 500 oo ciyaaryahan isuguna jiray wiilal iyo gabdho, tartan kubadda cagta , Xarig-jiid , dheri jabin iyo ciyaaraha Hidaha Dhaqanka, Sidoo kale Xiriirka Taekwanduga oo dhoolatusyo qurux badnaa ku soo bandhigay garoonka Wiish.



Gabagabdii Madaxa horumarinta amuurada goboloada GOS Ibraahin Xuseen Cali Roombo oo ka hadlay Munaasabdalagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay In Gos ay sanadkan munaasabad Maalinta Olimbikada Adduunka ku qabatayMagaloolooyinka Muqdisho, Baydhaba iyo Kismaayo taas ay qeyb ka ahaydballanqadkii Gos ee ahaa in Munaasabadd ay gobolad dalka ka dhici doonta sanadka dambana ay u qorsheynayaan in ay ay sii balaariyaan.


Madaxa Xiriirka Gos Xaaji Maxamed Axmed Colow oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay Guul in munaasabada OLypic day ay ka dhacdo gaar ka mid ah magaalooyinka dalka waxuuna mahad celin usoo jeediyay xiriirada iyo Soonanka gos ee doorka muhiim ka qaatay xuska maalinta caalamiga ah.


Maalinta Olombikad aduunka ayaa si weyn looga dabaaldegaa caalamka oo dhan iyadoo wadamada xubnaha ka ah IOC ay ciyaaro kale duwan ugu xusaan maalintan loogu magac daray maalinka Olimbikada (Olympic Day).


Waaxda Warfaafinta Gos

Info@nocsom.com

 

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.