Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Calanka Soomaaliya u dhiibay Ciyaartoyda Soomaalia uga qeyb galaysa Ciyaaraha Rio 2016+Sawirro

0
Monday August 01, 2016 - 22:31:41 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Shiikh oo Calanka Soomaaliya u dhiibay Ciyaartoyda Soomaalia uga qeyb galaysa Ciyaaraha Rio 2016+Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay Guddiiga Olombiaka Soomaaliyeed iyo ciyaartooyda x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay Guddiiga Olombiaka Soomaaliyeed iyo ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed uga qeyb-galeysa tartanka Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil.





 Madaxweynaha ayaa  si diiran xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka Gos  Ahna  Kusimaha Guddoomiyaha Axmed Cabdi Xasan Wataac,  Kusimhaha Xoghayaha Gos,  Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow, Guddoomiyaha  XSCF Khadiijo Aadan Daahir , Macalinka iyo Labada ciyaaryahan tartanka ka qeybagalaya.


 Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Kusimaha Xoghayaha Gos M Eenoow, waxuuna Madaxweynaha   uga mahad celiyay  casuumaada gaarka ah uu  u fudiyay  iyo sida uu ugu heelan yahay inuu dhiira geliyo ciyaartoyda  u taagan in ay Calanka soomaaliyeed daafacaan.

Madaxweynaha ayaa dhiira-geliyey islamarkaana Calanka dalka guddoonsiiyey ciyaariyahanada  Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016 gaar ahaan ciyaaraha fudud.


 "  Waxaa guul inoo ah inaan  ka qeyb galeyno tartankaas, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka keeni doontaan ciyaraha Olimbikada  adduunka ee RIO 2016 oo aad ka qeyb galeysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartarnka, sidoo kale  dhammaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha.

 Ugu dambeyntii, madaxweynaha  dalka  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey ciyaartoyda in  Brazil  inay guul ka soo hoyn doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.

 Wafdiga lagu wado in ay beri dalka ka amba  baxaan ayaa ka kooban  Maxamed Daa'uud Maxamed ,Maryan Nuux Muuse , Macalin Maxamuud Cadow Nuur iyo  Marwa Khadiijo Aadan Daahir oo waftiga muqdisho ka baxayaa Hogaamineysa.

 Waaxda Warfaafinta Gos

info@nocsom.com


 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.