Waxaa maanta garoonka Aaden Cadde ka ambabaxay Wafdiga ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galeysa ciyaaraha Olombikada aduunka Rio 2016 ee ka dhici doona dalka Brazil.
Ciyaartoyda uu todobaadkan usoo gebagaboobay tababarki ay
tartanka ugu diyaargaroobayeen ayaa waxaa maalinadii shalay calaka dalka ku
wareejiyay madaxweynaha dalka waxaana
xaflad saagootin ah usameeyay ciyaartoyda ciyaaraha Fudud.
Macalinka Xulka qaranka Maxamuud Caddow Nuur oo la hadlay nocsom.com ayaa sheegay in ay diyaar garow adag u galeen ciyaarahan
isla markaana ay rajeynayaan in ay natiijoay umadda Soomaaliyeed ku faraxdo keeni doonaan.
Macalinka ayaa dhanka
kale u mahad celiyay Guddiga Olombika Soomaaliyeed oo uu xusay in ay taageero dhameystiran la
garabtyaagnaayeen inta ay ku jireendiyaargarowga .
Wafdiga maanta ka ambabaxay dalka ayaa ka kooban Maxamed Daa'uud Maxamed iyo Maryan Nuux Muuse oo ah labada Oradyahan
ee tartanka ka qeyb galaya Macalin
Maxamuud Caddow oo ah Macalinka Xulka qaranka iyo Guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha
Fudud Khadiijo Aadan Daahir, waxaana dalka Brazil Xoghayaha Gos Duran Axmed Faarax iyo Faadumo
Cali Nuur oo ah madaxa Gos eetartanka Rio.
Maxamed Daa'uud aya u
tartami doona orodka 5,000 halka MaryanNuux Muuse ay ay ka qeyb qadan doonto orodka 400 mtr.
Waaxda Warfaafinta Gos.
nfo@nocsom.comi
Wafdiga Soomaaliya uga qeyb galeysa Ciyaaraha Rio oo dalka ka ambabaxay+Sawirro
Waxaa maanta garoonka Aaden Cadde ka ambabaxay Wafdiga ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galeysa ciyaaraha Olombikada aduunka Rio 2016 ee ka dhici doona dalka Brazil.