Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gos oo xaflad Soo Dhaweyn ah u sameysay ciyaartoyda Soomaaliya eeka qeyb galay Tartanak Olombikaddda Adduunka Rio 2016

0
Wednesday August 31, 2016 - 08:00:29 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gos oo xaflad Soo Dhaweyn ah u sameysay ciyaartoyda Soomaaliya eeka qeyb galay Tartanak Olombikaddda Adduunka Rio 2016

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Gos ayaa xaflad lagu soo dhaweynayo wafdiga iyo ciyaartoyda Soomaliya uga qeyb galay ciyaaraha Olombikada Adduunka ee ka dhacay magaalada Rio De Jenetraio ee dalka Brazil kuqabtay xarunta uu ku leeyahay magaalada M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Gos ayaa xaflad lagu soo dhaweynayo wafdiga iyo ciyaartoyda Soomaliya uga qeyb galay ciyaaraha Olombikada Adduunka ee ka dhacay magaalada Rio De Jenetraio ee dalka Brazil kuqabtay xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.


Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Ku-simaha Xoghayaha Gos Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow, waxuuna sheegayin Gos ay ciyaarahan ugu tartantay afar dhacdo oo kala ah kubadda Koleyga 2014 Kampla ,Kubadda Cagta 2015, Somalia iyo Rwanda, Takewanduo 2016 Marocco iyo tartanka Doomaha 2016 , basle ma dhicin in dhacdooyinkaas ay Soomaaliya usoo baxdo .

Eenoow ayaa dhanka kale xusay in kaliya ay Ciyaaraha Fudud oo ay uga qeyb galeen Wiil iyo Gabar  ay tartankaas uga qeyb galeen  waxayna Gos ay uga mahad celineysaa  dadaalikii ay sameeyeen, waxuuna intaa kudaray indhammaan xiriirada  iyo ciyaartoyda Soomaaliyeed ay dadaal u galaan sidii ay Soomaaliya ka qeyb gal badan ugu yeelan lahayd dhacdooyinka kale gedisan ee ciyaaraha Olombikadda Adduunka.

Sidoo Kale waxaa goobta ka hadlay Xaaji Maxamed Axmed Coloow, Ibraahim Xuseen Cali Roombo iyo Khadiijo aadan Daahir oo ka tirsan Guddifa Fulinta Gos waxaynaka dhawaajiyeen in ciyaartoyda ay dalka dib ugu soo laabteen iyagoo nabd qaba taasna ay meesa ka saareyso eedeynta beenta ah e lagu sheegay in aysan dalka dib ugu soo laaban doonin, waxana ciyaartoyda kula dardaarmeyn in ay halkooda kasii wadaan dadaalka.

Labada ciyaaryahan Maxamed Daa'uud Maxamed iyo Maryan Nuux Muuse oo goobta ka hadlay ayaa mahad celin usoo jeediyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed waqtiga uu geliyay iyo fursda uu u siiyay in ay Soomaaliya matalaan, waxayna intaa kudareen in ay shaarf u ahady in ay Soomaaliya matalaan .

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.