Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ururka Cayaartooyda Soomaaliyeed oo go'aanno muhiima gaaray+Sawirro

0
Friday October 21, 2016 - 07:46:02 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Cayaartooyda Soomaaliyeed oo go'aanno muhiima gaaray+Sawirro

    Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Ururka Cayaartooyda Soomaaliyeed ee magaciisa afka qalaad lagu yiraa "Somali Athletes Commission) iyo qaar ka mid ah madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) ayaa waxaa laga soo saaray go'aanno muhiim a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Ururka Cayaartooyda Soomaaliyeed ee magaciisa afka qalaad lagu yiraa "Somali Athletes Commission) iyo qaar ka mid ah madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) ayaa waxaa laga soo saaray go'aanno muhiim ah oo quseeya ururka.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha GOS mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay guddoomiy-sharafeedka GOS mudane Cabdulqaadir Ibraahim Gacal (Abkoow), Xubno ka tirsan Guddiga Fulinta Gos , guddoomiyihii hore ee Ururka Cayaartooyda Soomaaliyeed Xasan AXmed Barre ( Himilo), iyo xubnaha ururka.

Kulanka aya waxa uu daba-socday shir ay xubnaha guddiga fulinta ee GOS dhawaan ku yeesheen Muqdisho, kaas oo laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin go’aanno wax looga beddelayo dastuurka GOS, gaar ahaanna arrimaha quseeya ururka cayaartooyda.

Intii u kulanka socday, ayaa waxa ay xubnaha ururka cayaartooydu falanqeeyeen go’annadii shirka guddiga fulinta ee GOS ka soo baxay ee ku saabsanaa ururka iyo cidda xaqa u leh xubnnimadiisa, waxaana ay isku raaceen in sida ay tahay loo meel-mariyo soo-jeedintii ka timid guddiga olombikada aduunka (IOC), taas oo ku saabsanayd in ururka cayaartooyda ay xubno ka noqdaan cayaartooyda ka qeybgashay tartannadii Olombikada ee ugu dambeeyay.

Geesta kale, kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in xilka guddoomiyanimada ururka cayaartoyda Soomaaliyeed uu sii haayo guddoomiyihii hore ee ururkaas mudane Xasan Xassan Barre Himilo. Waxaana sidaas oo kale uu ururku go’aan ku gaaray in shirweynaha GOS ee soo socda ay magaca ururka uga qeybgalaan Axmed Xuseen Xasan iyo Maryan Nuux Muuse -oo labaduba horay uga qeybgalay cayaaro Olombik ah oo dunida ka dhacay-.

Dhankoodana, guddoomiyaha GOS mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo guddoomiye-sharafeedka mudane Cabdulqaadir Abkow ayaa hadallo ay kulanka ka jeediyeen waxa ay kaga warrameen muhiimadda ay cayaartoydu u lee yihiin ka-miradhalinta dadalada lagu horumarinayo cayaaraha dalka, iyaga oo ururka cayaartoyda ku dhiirrigeliyay in uu sii wado dadaalada uu ku bixinayo ilaalinta danaha cayaartoyda iyo la-socoshada xaaladahooda.

Ururka Cayaartooyda Soomaaliyeed ayaa sannadkii 2006-da, oo ah isla sannadkii ururkan la dhisay, waxa uu xubin ka noqday Ururka Cayaartooyda Adduunka, kaas oo isagana la dhisay sannadkii 1981-kii.



Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocosom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.