Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Fullinta GOS oo Shirki ugu horeeyay Sanadka muqdisho ku yeeshay+Sawiro

0
Friday January 06, 2017 - 22:37:49 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Fullinta GOS oo Shirki ugu horeeyay Sanadka muqdisho ku yeeshay+Sawiro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta ugu horeeya sanadka 2017, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta iyo Guddoomiye sharafeedka GOS Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta ugu horeeya sanadka 2017, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta iyo Guddoomiye sharafeedka GOS Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkoow.

Shirkan oo uu  shir-guddoominayay guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa looga hadlay Waxyaabihii GOS u qasboomay sanadkii tagay 2016 iyo Qorshaha sanadkan 2017.

Qorshaha lagu soobandhigay shirka waxaa ka mid ahaa Seminaaro dhanka Maamulka oo loo qabanayo masuuliyiinta Isboortiga dalka, Macalamiinta , ciyaartoyada ciyaaraha ka fariistay,macalimiinta Iskuulada, gobolada dalka, Horumarintagaroomada kale gedisan ee Sportiga iyo tayaynta Ciyaartoyda heer qaran gaar ahaan kuwa ciyaaraha Fudud oo loo sameynayo xero tabaar oo dalka gudahiisa iyo  dibadiisa ah, Seminaaro heer caalami oo dalka lagu qabanayo iyo kuwa dalka dibadiisa looga qeyb galayo iyo qabashada tartamada  aas-aasiga Sportiga.



Dhanka kale Xubnaha Guddiga Fulinta ayaa ka dooday qodobadii lasoo bandhigay iyo hanaanka dhaqaalaha waxayna kadib falanqeyn dheer isku raaceen in qodobadaas loo gudbiyo Shirweynaha si looansaxiyo.


Ugu dambeyn Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo shirka soo xeray ayaa amaan usoo jeediyay Xubnaha Guddiga oo dood-wadaag Hufan shirka ku waday waxuuna sheegay in sanadkan looga fadhiyo horumar ka ballaaran kii sanadki hore.

 



 Waaxda Warfaafinta GOS
Info@nocsom.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.