Waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shiweynihii 7-aad Doorashada ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed kasoo lagu dooranayay hogaanka afarta sano ee soo socota ee GOS, waxaana kasoo qeyb galay Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga , Masuuliyiinta xiriirada, Ururuada , Xubnaha Matalaya Soonanka iyo marti sharaf kale.
Ka hor doorashada waxaa Shirwaynaha lagu soo bandhigay waxqabadkii iyowarbixinta dhaqaalaha sanadki tagay ee 2016 ,miisaaniyadda & qorshahasanadka 2017 sidoo kale xiriirada ayaa dhankooda soo jeediyay waxbixinada
waxqabadkooda sanadki tagay 2016, waxaa shiwaynaha lagu ansaxiyay waxkabadal lagu sameeyay qodobka 15.E ee dastuurka , waxuu sidoo kale ka doodeen isla markaana ansaxiyeen go'aanadi shirarkii Guddiga Fullinta lagu gaaray.
Xubnaha
Shirweynaha ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ah ugu codeeyay Cabdullaahi Axmed Tarabi inuu
noqdo guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee afarta sano soosocota 2017-2020. Sidoo kale waxaa guddoomiya ku xigeenada loo doortay :- Axmed Cabdi Xasan (Wataac) 1-aad , Faadumo Cali Nuur : 2-aad iyo Ibraahin Abuukar Shaamoow 3-aad.Dhanka Kale Mohammad Abdo Hagi ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee GOS, halkaGuddoomiye Sharafeed uu
noqday Cabdulqaadir Ibraahin Gacal Abkow.
Sidoo kale waxaa shirweynaha doorashada lagu doortay xubnaha Guddiga Fulinta GOS ,waxayna kala
yihiin:- Ibraahim Xuseen Cali Roombo ,Maxamaed Xuurshe Xasan, Maxamed Axmed
Coloow,Cabdiqani Saciid Carab ,Cabdullaahi Nuur Maxamed (Caddaani) , Khadiijo Aadan Daahir , Cabduqaadir
Maxamed Baarajab , Cali Maxamed Xuseen ( Cali Baay) Cabdicasiis Godax Barre Xasan
Wiish Yabaroow ,Abuukar Islow Xasan , Maxamed Daa'uud Maxamed , Dr:Cabdi Ibraahin Axmed( Jia) ,Prof: Yuusuf Calasoow , Maxamed Muuse Cabdi iyo LuulCabdi Dhagool.
Kadib doorashada waxaa halkaas ka hadlay
Guddoomiyaha la doortay ee GOSMudane Cabdullaahi Axmed Tarabi
waxuuna u mahad celiyay xubnaha shirwaynaha ee markale kalsoni ku siiyay inuu hogaamiyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed afarta sano ee soo socota.
Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka ayaa sheegay in ay afarta sano ee soo socota xoogga
saari doonaan maamul wanaaga, sare
qaadida aqoonta maamulada isboortiga, tayayna Xulalka qaran ee xiriirada dalkaasi ay ugu loolamaaan bilado iyo kaalmo hore, iyo in mudnaan gaar
ay la siin doono iskuulada , Jamaacadaha, degmooyinka iyo gobolada dalka si horumar la taaban karo loo gaaro.
Waaxda Warfaafinta
GOS
info@nocsom.com
Shirwaynihii 7-aad ee Dooraashada GOS oo Muqdisho ka dhacay, Xilli lagu doortay Hogaanka afarta sano ee soo socota +Sawiro
Waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shiweynihii 7-aad Doorashada ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed kasoo lagu dooranayay hogaanka afarta sano ee soo socota ee GOS, waxaana kasoo qeyb galay Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortig