Munaasabad lagu xusayay maalinta cayaaraha, horumarka iyo nabadda addduunka ayaa waxa ay ka dhacday garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga
Olombikada Soomaaliya, waxaana goobjoog ku ahaa marti-sharaf ay ka mid
ahaayeen: wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha, guddoomiyaha gobalka Banaadir,
madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliya,
madaxda xiriirrada cayaaraha dalka, qaar
ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kooxda muusikada ee ciidamada Booliska iyo Asluubta ,
fannaaniin iyo ka-qeybgalayaal kale oo badan.
In ka badan 2,000 oo
ciyaaryahan, oo ka kala socday xiriirada cayaaraha dalka, degmooyinka, jaamacadaha, iyo Iskuulada ayaa
waxa socod ku mareen garoonka, iyaga oo jaanta la qaadaya muusig ay tumayaan
kooxda Baambayda.
Koox fannaaniin ah ayaa dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay
ku maaweliyay heeso macaan oo ku saabsan munaasabadda.
Ibrahim Xuseen Roombe, oo Guddiga Olombikada u qaabilsanaa
qabanqaabada munaasabadda, ayaa hadal uu jeediyay waxa uu ku sheegay in
qabanqaabada munaasabaddan ay aad uga
heersarreyso tii sanadki hore. Waxaana ii ujeedka munaasabadda ku sheegay
isbarsahda iyo isdhexgalka dhallinyarada cayaaraha ku jira.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo isla shalay xilka
laga qaaday, ayaa goobta ka hadlay, Isaga oo
caddeeyayay in Intii uu isagu
xilka gobalka hayaya uu maamulkiisu sare
u qaaday cayaaraha gobolka,
isla markaana la doonayo in sare looga sii qaado halka uu
hadda joogo.
Ugu dambaynna,
wasiirka cusub ee dhallinyrada iyo cayaaraha marwo- Khadiijo Maxamed Diiriye,
oo qabashada xilka ka dib markii ugu horreysay ka qeybgalaysa dhaqdhaqaaqyada
cayaaraha, ayaa waxa ay jeedisay hadal ay kaga warbixisay qorshayaasha
wasaaraddeeda, Iyada oo ballanqaadday in ay muhiimadda saari doonto horumarinta
cayaaraha.
Wasiiradda ayaa u mahadcelisay Guddiga Olombikada Soomaaliya
iyo Xiriiradiisa oo ay sheegtay in aysan la’aanytood qabsoomi lahayn
munaasabaddan.
Munsaabaddan, oo dhanka kale ay wehlisay xuska maalinta cayaartoyda Soomaaliyeed ayaa waxa uu
sannadkan noqonayaa kii afaraad ee la xuso. Waxaana ay noqotay mid ka mida
dhacdooyinka ugu ballaaraan ee ay GOS kula dabaaldegto bulshadeeda.
Waaxda Warfaafinta GOS
Info@nocsom.com
U-dabaaldegga xuska maalinta cayaaraha oo Muqdisho laga dareemay (sawirro)
Munaasabad lagu xusayay maalinta cayaaraha, horumarka iyo nabadda addduunka ayaa waxa ay ka dhacday garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho.