Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magalaaada muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay diyaarinta qorsahaha GOS ee afarta sano ee soo socota.
Kulankan oo ay kasoo
qeyb galeen masuuliyiin ka socotay
guddiga Fullinta GOS , Madxada xiriirada
iyo qabiiro aqoon durugsan u leh arimaha diyaarinta qorsheynta ayaa
ugu horeyn lagu soo banadhigay
qorshahii GOS ee 2011
kaasoo waqtigiisu ku ekaa 2016, waxeyna xubanaha ka doodeen waxyaabihii
ka qabsoomay qorshaas iyo hiigsiga qorsha cusub.
Waxeyna dood iyo falanqeyn dheer kadib ay xubnaha isla
garteen in la isticmaalo qeyb ka mid ah
qorshahihi hore ,qorsho cusubna lagu daro iyadoo la waafajinayo qorshaha
Guddiga Olombikada adduunka (IOC).
Qorshahan waxaa ka
mid ah Horumarinta Aqoonta Maamulka, Macalamiinta,
Garsoorka AKademiyada da’yarta
qeybaha kale gedisan ee Isboortiga, diyaarinta
xulal qaran oo tayadoodu sareyso oo guulo wax ku gool ah ka sameeya
ciyaaraha Caalamiga iyo helista garoomo daboolo baahiyaha jira.
Gebagabdii waxaa halkaas ka ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olombika
Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed
Tarabi , waxuuna sheegay in aad u
qancay sida hufnaanta leh oo ay xubnaha uga doodeen qorshaha
isla markaana uu aad ugu rajo
weyn yahay in qorshahan uu wax weyn ka badali doono horumarka
Isboortiga dalka.
Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale tilmaamay in ay muhiim tahay in la helo qorshe siwada jir ah looga
shaqeeeyay diyaarintiisa, basle ay lagama maarmaan tahay in sida wadajir ah laysaga
kaashado dhaqan gelintiisa si
loogaaro heeka horumarineed la wada hiigsanayo.
Waaxda Warfaafinta GOS
Info@nocsom.com
GOS oo kulan looga hadlayo Qorsha howleedka Afarta sano ee socota ku qabatay Muqdisho+Sawirro
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magalaaada muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay diyaarinta qorsahaha GOS ee afarta sano ee soo socota.