Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda dhalinyarda iyo Isboortiga ayaa kulan ku yeeshay magaalada muqdisho.
Kulankan oo ay soo
qaban qaabisay Wasaaradda
dhalinyadara waxaa kasooa qeyb galay
Masuuliyiinta Wasaaradda oo hor kacayo Wasiirka ku xigeenka , Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriiradiisa, waxaa ujeedada kulanka sidii ay labada qeyb isaga kaashan lahaayeen
Horumarinta.
Masuuliinta GOS oo
ugu horeyn kulanka ka hadlay
waxayna si qoto dheer uga warbixiyeen
xaaladda Isboortiga dalka 26 sano ee lasoo dhaafay in qaabka ay ku shaqeynayeen iyo Wasaaradihii ka horeeyay Wasaaraddan oo si
wanaagsan ula shaqeeyay basle aysan ku guuleysan in miisaaniyada dhaqaalaha Wasaaradda
lagu daro horumarinta Isboortiga.
Waxayna Dhanka ka dalbadeen in ay xooga saarto sidii ay
dowladda miisaaniyada SPortiga u meel lahayd taasoo qeyb ka qaadan karta dadaalka loogu jiro
horumarinta Isboortiga dalka, waxayna Wasaarada
uga mahad celinayeen qaban
qaabadda kulanka.
Wasiir ku xigeenka
wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga
Axmed Cumar Islow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u
tahay in ay qaado tilaabokasta oo sare loogu qaadayo Ciyaaraha dalka, waxuuna intaa ku daray in iska kaashan doonaan dadaalkasta.
Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay arinta miisaaniyadda ay tahay arin jirta oo aan talaabo horey looqaadi karin haddii aan la lahayn basle aysan ka jiifan doonin sidii lagu gaari lahaa.
Waa kulanki ugu
horeeyay oo ay Masuuliyiinta Wasaaradda
ee xilka la wareegay horaanta Bishan
April ay kulan la qaataan Guddiga
olombikada waxayna laba qeyb isku raaceen
in kulamada la joogteeyo lagana
wada shaqeeyo horumarinta Isboortiga.
Waaxda warfaafinta GOS
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Wasaaradda dhalinyarada Isboortiga
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda dhalinyarda iyo Isboortiga ayaa kulan ku yeeshay magaalada muqdisho.