Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Fullinta GOS oo Shirki labaad ee sanadlaha muqdisho ku yeeshay+Sawiro

0
Saturday April 29, 2017 - 10:04:13 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Fullinta GOS oo Shirki labaad ee sanadlaha muqdisho ku yeeshay+Sawiro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta ee sanadk 2017, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta ee sanadk 2017, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta


Shirkan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa looga hadlay Waxyaabihii GOS u qasboomay sadexdi bil ee kasoo dhaafay iyo qorshaha sadexda bil ee soo Socda.


Waxqabadka lasoo bandhigay waxaa ka mid ah ahaa Shirwaynaha GOS ee doorasho ,qabshada Seminaar dhanka Maamulka oo loo qabtay Xoghaynta GOS, taasoo qeyb ka ahayd qorsahaha Sandkan ee sare u qaadida aqoonta xagga maamulka, kulanka ooga hadlayay Qorshe Howleedka GOS ee afarta sano ee soo socota, Qabashada Xuska Munaasabadaha Maalinta Isboortiga Nabadda iyo Horumarinta, iyo Maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyeed.



Dhanka kale Xubnaha ayaa ka dooday qorshe lagu diyaarinayo ciyaartooy ciyaaraha fudud ah oo ka qeyb gala ciyaaraha Olombikada Adduunka 2020, waxayna Xubnaha kadib falanqeyn dheer isku raaceen in marka hore lasoo xulo ciyaartoy tayo leh, kadibna loo sameeyo xero tababar iyo hooy gudaha dalka iyo dibadaba si loo helo ciyaartooy saacad wanaagsan keena taasoo sare u qaadi karta tirada ka qeyb galka ciyaaryahanadda ciyaaraha Caalamiga gaar ahaan kuwa Olombiakda adduunka.


Ugu dambayn waxaa goobta ka hadlay shirakan soo xeray Guddoomiyaha GOS mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuuna sheegay in howlo wanaagsan la qabtay  sadexdi bil ee lasoo dhaafay ,  xubanha guddiga Fulinta kula dardaarmay in la dardar geliyo howlaha sadexda bil ee soo socota.


 Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.