Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS Oo Ka Qeyb gashay Olympic Solidarity Forum 2017

0
Friday April 28, 2017 - 23:12:33 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 20084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS Oo Ka Qeyb gashay Olympic Solidarity Forum 2017

    Guddiga Olombika Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Olympic Solidary kaasoo ka dhacay Magaalada Lusaka ee dalka Zambia, waxaa kasoo qeyb galay 61 wakiil oo ka socday wadama Luqada Ingiriiska ku hadla ee qaaradda A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombika Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Olympic Solidary kaasoo ka dhacay Magaalada Lusaka ee dalka Zambia, waxaa kasoo qeyb galay 61 wakiil oo ka socday wadama Luqada Ingiriiska ku hadla ee qaaradda A frika oo ay Soomaaliya ka mid tahay waxaana Soomaalaiya uga qeyb galay Guddoomiyaha GuddigaOlombika Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo Faarax Cali Macalin oo ka tirsan Xoghaynta GOS.




Waxaa kulanka oo socday mudo 20- ilaa 24 April  lagu soo bandhigay qaabka ugu wanaagsan oo ay wadamada qaaradda afrika uga faa’iideysan karaan qorshaha Horumarinta Olmymic Solidarity ugu talo gashay qaaradda.


Madaxa Arimaha Tababarada Olympic Solidarity isla markaana ah u qaabishanaha Qaaradda yurub Yassine Yousfi, oo xafladda furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisu yahay sidii qorshaha 2017-2020 ee Tababrada , Horumarinta Macalimiinta iyo ciyaartoyda iyo Qeybaha Tiknoolajiyada. waxuuna wakiilada ka qeyb galaya kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan Fursadan.



Masuuliyiinta Guddiga Olombikada ayaa markii kulanka soo idlaatay kulamo la qaatay Masuuliyiinta Olympic Solidarity waxayna u gudbiyeen waxyaabaha ugu muhiimsan Guddiga Olombika Soomaaliyeed u baahan yahay in laga taageero qorsha 2017-2020.

Waaxda warfaafinta GOS

Info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.