Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ka qeyb Gashay Tababar dhanka Suuq geynta

0
Tuesday May 09, 2017 - 11:33:04 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 3639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ka qeyb Gashay Tababar dhanka Suuq geynta

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed GOS ayaa ka qeyb galay Seminaar dhanka Suuq qeynta oo ay Guddiga Olombikada Adduunka IOC u qabatay wadamada ku mideydaysan IOC.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed GOS ayaa ka qeyb galay Seminaar dhanka Suuq qeynta oo ay Guddiga Olombikada Adduunka IOC u qabatay wadamada ku mideydaysan IOC.



Seminarka oo ka dhacay Magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka carabyt, waxaa diyaariyey IOC, ANOC, iyo TMS oo ah qeybta IOC u qabilsan Taleefishinada iyo adeegyada suuqgeynta (Television and Marketing Services (TMS), waxaana Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xieenka GOS Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo Iraahim Shaamoow.


Guddoomiytaha GOS Mudane Tarabi oo Muhiimada Seminaarka ka warbixyay ayaa sheegay in Muhiimada seminaarka ay ehady.



1-Sidii ay wadamada Caalamka uga faa’iideysan karaan nidaamka suuqgeynta kaasoo laf- dhabar u ah horumarinta qeybaha kale gedisan ee isboortiga.

 


2-In Maalgeliyaasha IOC oo ah 13 shirkadood aan la Isticmaali Karin Magacooda,, balse kuwa gudaha muhiimad gaar ah la siiso.


 

 

3-In Astaanka Olombikada (Olympic Brand) aysan isticmaali Karin shirkad ama shaqsi gaar ah iyadoon ogolaansho ka haysan Guddiga Olombikada isla markaana aysan ka warqabin IOC.


 

4-In Magaca Guddiga Olombikada aysan qaadan Karin cid aan Olympic ahayn, sida degmo iyo Gobol iyo qof Isboortigiisa masuul ka ah.


 

Guddoomiyaha  GOS Mudane Tarabi ayaa dhanka kale sheegay in GOS xoogga saari doonto sidii nidaamka Suuqgeynta Isboortiga looga dhqan gelin lahaa dalka si ay uga faa’iideystaan xiriirada, kooxaha iyo Ciyaartoyda qeybaha kale gedisan ee Isboortiga dalka.


Seminaarkan oo  mid sanadle ah ayay IOC ugu talo gashay in ay sare ugu qaado dardar gelinta qeybaha aasaasiga u ah Horumarinta Isboortiga Suuqgeyntana  ay tahay tan koowaad si loo hiigsado horumar la taaban karo.


Waaxda Warfaafinta GOS

 Info@nocsom.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.