Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Aqoon Kororsi dhanka Maamulka u furay xiriirada iyo Ururada Isboortiga+Sawirro

0
Sunday May 21, 2017 - 00:09:10 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Aqoon Kororsi dhanka Maamulka u furay xiriirada iyo Ururada Isboortiga+Sawirro

    GOS oo Aqoon Kororsi dhanka Maamulka u furay xiriirada iyo Ururada Isboortiga+Sawirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GOS oo Aqoon Kororsi dhanka Maamulka u furay xiriirada iyo Ururada Isboortiga+Sawirro




Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ka furay aqoon kororsi dhanka Maamulka Sportiga oo loo qabtay Masuuliyiinta Xiriirada iyo Ururada heer qaran , waxaaa xafladda furitaanka kasoo qeyb galay madaxda  wasaaradda dhalinyrada iyo Isboortiga iyo Guddiga Olombiakda Soomaliyeed.



Ka hor inta usan   furmin aqoon kororsiga  waxaa ugu horeyn xafladda  ka hadlay Guddoomiyha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi.

Waxuuna sheegay in Aqoon kororsigan ay GOS ugu talogashay in sare loo qaado aqoonta maamulada arimaha Isboortiga ku howlan si ay ula jaan qaadaan hanaanka maamul ee caalamka.



" Hadafka GOS waa tayanyta iyo sare u qaadida  aqoonta  dhamaam dadka Isboortiga ku dhex jira waxuuna tababarkan noqon doonaa mid joogto ah, waxayna GOS ku dadaali doonta sida ku xusan qorshaheeda horurmarinta in ay tababar aqoon kororsi ah u qabayo dalka  ku howlaha arimaha Isboortigda sida, macalimiinta iyo ciyaartoyda ciyaaraha ka fariistay,  Ardayda  Jamaacadaha, ardayda  Iskuulada, Degmooyinka iyo Gobolada dalka   si ay uga qeyb qaataan horumarka Isboortiga dalka,”ayuu yiri guddoomiye Tarabi.


Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale masuuliyiinta ka qeyb galaya aqoon korosiga kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan fursada ay Guddiga Olombika u samaysay.


Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhalinyada iyo Isboortiga Isaaq Xaashi oo aqoor kororsiga daah furay ayaa sheegay in Wasaaradda ay aad usoo dhaweyneyso dadaalada horumarineed ay wado GOS,


" 26 sano ee lasoo dhaafay waxaa Isboortiga dalka gacanta ku hayay Guddiga Olombika Soomaaliyeed iyo Xiriiradiisa, iyagoon gacan taageere ka helayn dowladda, basle ka wasaarad ahaan waxaan diyaar u nahay in si wadajir ah isaga kaashano sidii Isboortiga dalka doorka nooga aadanna aan u qaadan lahayn.”ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda.


Aqoor kororsigan oo ay ka faa'iideysanayaan 20 masuul oo ka socda Xiriirada iyo Uruada  ayaa socon doona muddo saddex maalin 

  


Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocsom.com






 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.