Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalka kubadda Gacanta Xeebaha oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

0
Tuesday May 23, 2017 - 22:51:36 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 9725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalka kubadda Gacanta Xeebaha oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

    Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda Gacanta ayaa magaalada Muqdisho kafuray horyaalka kubada Gacanta Xeebaha kaasoo ah marki u horeysay ee Soomaaliya laga ciyaaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda Gacanta ayaa magaalada Muqdisho kafuray horyaalka kubada Gacanta Xeebaha kaasoo ah marki u horeysay ee Soomaaliya laga ciyaaro.


Xafaladii furitaanka ee ka dhacay Xeebta Liido oo uu tartanka ka furmay waxaa kazoo qeyb galay masuuliyiinta Xiriirka kubada Gacanta, waxaana halkaas kula hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Gacanta Mudane Maxmaed Xuurshe Xasan Eenoow, waxuuna sheegay in Xiriirka sanadkan qabanayo horyaalka kubadda Gacanta Xeebaha oo ah taarikhda marki u horeysay ee Soomaaliya laga ciyaaro isla markaana ay ka mid ah tahay qosraha Xiriirka ee sanadkan.



 

 

" Xiriirka waxuu sanadkan qabtay Tartanka degmooyinka oo ay kazoo baxeen ciyaartoy tayo leh oo xulka qaranka da’yarta loo xulay, tartanka Xeebaha oo inoo bilaabanaya, waxaana inoo xigi doona Koobka Jenaral Daa’ud iyo Horyaalka oo aynu qaban doono,” ayuu yiri Guddoomiye Eenoow.


 

Guddoomiayah ayaa ugu dambayn ciyaartoyda kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaagsan xiriirkuna uu abaalmarin doono ciyaartoydi iyo kooxdi la timaada ciyaar wanaag iyo anshax wanaag.


 

Horyaalka oo ay ka qeyb galayaan, Kooxaaha Banaadir Zone, Signjet, Nageyle iyo Bilab Printing, waxaa kulanki u horeeyay wada yeeshay kooxaha Banaadir Zone iyo Singjet, waxaana kulanka oo laba qeyb ahaa sida sharciga qaba kooxdi laba kulan oo xiriir ah adkaato ay guuleysaneyso, waxay guusha raacday kooxda Banaadir Zone.


 

Kulanka koowaad BanaadirZone vs Singjet 9-7

 

Kulanki labaad : Banaadir Zone vs Singjet 8-3





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.