Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo tartamao xiiso leh ku xustay Maalinta Olombikada Adduunka+Sawirro

0
Monday July 10, 2017 - 17:20:07 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo tartamao xiiso leh ku xustay Maalinta Olombikada Adduunka+Sawirro

    Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Xuska Maalinta Olombika Adduunka (Olympic Day), waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga, Guddiga Olombika Soomaaliyed, Madaxda Xiriirad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Xuska Maalinta Olombika Adduunka (Olympic Day), waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga, Guddiga Olombika Soomaaliyed, Madaxda Xiriirada qaar kamid ah Maamulada Degmoyinka iyo Marti sharaf kale.



Munaasabadan oo 8-di iyo 9-ki bishan july lagu qabtay garoomada Wiish iyo Banaadir iyo Xarunta GOS waxaa kaso qeyb galay 500oo ciyaaryahan oo isugu jiray Orodo, kubadda Koley , Kubadda Cagta iyo Takewandu iyo Arday kuwa farshaxanka ah waxaana wehliyay kooxaha Hidaha iyo dhaqanka.



Maalintiii koowaad waxaa Garoonka Wiish ku tartatamay Degmooyinka Shangaani iyo Boondheere oo ku loolamaya koob ay GOS ugu talo gashay Munaasabada , waxayna Wiialasha labada degmo soo bandhigeen ciyaar cajiib ah oo ay ka maqsuudeen dadweynihii usoo daawasho tagay ciyaarta. Inta lagu gudo jiray Qeybtii nashada waxaa garoonka la wareegay kooxda Hidaha iyo Dhaqanka iyo Ciyaartoyda Taekwanduga kuwaa bandhig ciyaareed lala dhacay garoonka kusoo bandhigay, waxaana gebagabadii 26-21 ay Tartanka kubadad Koleyag guusha ku raacday Degmada Shangaani oo koobka la hoyatay.


Dhanka kale waxaa maalintii labaad ee Munaasabadda Arday ka socotay Dugsiga Banaadir Zone ay Xarunta GOS ku sameeyeen farshaxan qurux bdan oo ka turjumayay muhiimada isboortiga iyo qiimaha maalintan Caalamiga ah, waxaana Garoonka Banaadir Socod ku maray Ciyaaryahanada ciyaaraha Fudud oo isugu jiray Ardayda Iskuulada iyo Kuwa naadiyada XSCF, waxaana Gebagabadii loolan xarig Jid ah oo aad u xiiso badnaa garoonak Banaadir uu ku dhex maray Ardayda Iskuulada iyo ciyaartoyda da’yarta kubadda Cagta.


Munaasadan ayaa taariikh ahaan ku astaysan 23 June Sanadwalba, waxayna GOS sanadkan dib ugu dhigtay iyadoo kusoo aaday bisha Ramadaan, waa sanadki saddexaad oo Xiriir ah oo ay GOS Qiimenta Bisha Ramadaan Awgii dib ugu dhigeyso.


Waaxda Warfaafinta  GOS

 Info@nocsom.com

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.