Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo qada sharaf u samaysay Bahdii Hore e Isboortiga Dalka +Sawiro

0
Wednesday July 26, 2017 - 23:56:44 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo qada sharaf u samaysay Bahdii Hore e Isboortiga Dalka +Sawiro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa kulan qado sharaf ah u sameyay bahdii hore ee isboortiga dalka oo isugu jira, Masuuliyiin, Ciyaartoy, Macalimiin iyo garsoorayaal in kabdaan 50 sano isboortiga ku soo dhex jiray dalkana kammaqnaa 27 sano ee burkbu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa kulan qado sharaf ah u sameyay bahdii hore ee isboortiga dalka oo isugu jira, Masuuliyiin, Ciyaartoy, Macalimiin iyo garsoorayaal in kabdaan 50 sano isboortiga ku soo dhex jiray dalkana kammaqnaa 27 sano ee burkburka dalkakujiray.




Kulanka oo ka dhacay Hoteel Shamow waxaa kasoo qeyb galay Maxamed Xuseen Haadi , Maxamed Faarax Damdamis, Cadde Xasan Cali Gaabow,Cali Maxamed Baare( Elle)n DR Maxamed Aadan Jeele. C/laahi Xasan Tuke, guddigaFulinta GOS iyo madaxda Xiriirada

.

Kadib iswareysi waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi,waxuuna masuuliyiinta sharaxaad uga bixiyay qaabkii ay dib ugu soo nooleeyeen guddiga Olombikada iyo xiriiradiisa xaaladii adkeyd ee dalka ka jiray iyo sidii Isboortiga uga qeyb qaatay is dhax galka iyo bilowgii Gos iyo heerka ay hadda wax marayaan.



Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale tilmaamay in GOS ay tan 1996 si joogta ah uga qeyb galeysay ciyaaraha Olombikada Dunida iyo tartamadii kale ee heercaalami sidoo kale xiriiradana ay iyana ka qeyb galayeen, basle ay sameeyeen dadaalo badan oo ku aadan hormainta aqoonta xaga maamulka iyo maamul wanaaaga, isla markaana ay diyaar gareynayaan ciyaaryahano saacad wanaagsan samayn kara kuwa durba la xereeyay tababaarna uu socdo kaasoo ciyaaryahanki saacad wanaagsan sameeya dalka dibadiisa tababar loogu qaadi doono si loo sii horumariyo, balse si loo gaaro horumarka ay GOS hiigsanayso ay lagama marmaan tahay in la helo gacanta dowladda oo isboortiga ku tiirsana burburki ka hor.


 

C/laahi Xasan Tuke oo taariikh ballaaran oo heer Macalin iyo mid Ciyaaryayhanimo isugu jirta ku leh isboortiga dalka ayaa goobta ka hadlay waxuuna marka hore GOS uag mahad celiyay casuumaada ay u fidisay iyo sida ay ugu han wayn tahay in ay isu keento bahda isboortiga waxuuna inta ku daray in ay dhankooda ka qeyb qaadan doonaan hormarnta isboortiga dalka isago si wanaasgan uga sheekeeyay bilowga isbortiga dalka iyo sidii uu ku hormaray.


 Maxamed Xuseen Haadi oo ah xoghayihii ugu horeeyay ay Guddiga Olombikda yeelato isla markana ka mid ah dadkii lagu aasaayay wasaaradda dhalinyarada isboortiga ayaa dhankiisa si qoto- dheer uga hadlay aasaaskii isboortiga dalka, iyo doorkii xoogana oo ay dowladda ku lahayd waxuuna hoosta ka xariiay in la’anta doorka dowladda uusan isboortiga sare u kac yeelan Karin.


Haadi ayaa GOS uga mahad celiya doorkiilixaada lahaa ay ka qaadatay soo nooleyta Isboortiga dalka , balse bahdii hore ee siboortiga dal iyo dibad ay iska kaahan doonaan sidii loo horumarin lahaa isboortiga dalka.


Guddoomiyaha GOS oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in ay GOS ay soo dhaweyneyso bahdii hore ee isboortiga dal iyo dibad isla markaana ay qaadaneyso talooyinka horumarineed, waxuuna guddoomiyaha ugu dambayn Wakiiilka GOS ee Dalka Canada u magacaabay Rugcadaa isboorti C/laahi Xasan Tuke.


 

Waaxda warfafinta GOS

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.