Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka kubada Miiska oo tababar heer caalami Muqdisho uga furay garsoorayaasha kubadda Miiska+Sawirro

0
Tuesday September 26, 2017 - 14:03:05 in Xiriirka Kubadda Miiska by Nocsom Editor
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubada Miiska oo tababar heer caalami Muqdisho uga furay garsoorayaasha kubadda Miiska+Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Miiska ayaa magaalada muqdisho tababar heer caalami ah uga furay garsoorayaasha kubadda Miiska, waxaana xaflada furitaanka kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda xiriirada, Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Miiska ayaa magaalada muqdisho tababar heer caalami ah uga furay garsoorayaasha kubadda Miiska, waxaana xaflada furitaanka kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda xiriirada, Masuuliyiinta xiriirka kubadda Miiska iyo qabiirka tababarkan bixinaya oo udhashay dalka Masar.

 

Tabarkan oo socon doona muddo 7 maalmood ah waxaan ka faa’iideysan doona 33 garsoore oo u u badan garsoorayaal da’yar, waana kii labad oo heer caalami ah oo dalka lagu qabto kadib 2012.


 

 

 

Qabiirka tababarkan bixinaya Mohamed Refaat Mohamed oo u dhashay dalka Masar ayaa sheegay in jeceyl uu u qabo Soomaaliya uu u ogolaaday inuu tababarkan bixiyo, isagoo Luxuburg shaqo u joogana ay fariintan soo gaartay si toos ahna uu Soomaaliya usoo aaday.



 

 

" Waa markii labaad oo aan koorsadan ka bixyo Soomaaliya kadib 2012 , Koorsadan waa heer caalami oo aad ku helaysaan shahaado qiimo weyn ku fadhida waxaan si gaar ah ula hadlayaa Gabdhaha tababarkan ka qeyb qaadanaya, waayo qaaradda Afrika kaliya afar gababar ayaa tartmada heerka caalami uga qeyb gala, waxaan doonayaa in ay Soomaaliya kasoo baxaan Wiilal iyo Gabadho tartamada qaaradda iyo kwua heerka caalami garsoor ka noqda,” ayuu yuri Khabiir Mohamed.


 

Guddoomiyaha Xiriirka kubada Miiska Maxamed Xaaji Cali oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Xiriirka uu diyaar u yahay soosaarista garsoorayaal da’yar oo musatqbal wanaagsan ku yeesha ciyaarta kubadda Miiska heer caalamina ka gaara.

 

Guddoomiyaha ayaa intaa kudaray in Xiriirka kubadad Miiska oo taariikh wanaagsan ku leeyahay qaarada afrika isla markaana uu bilado dahab ah dalka usoo hoyaan taana ay muhiim tahay in dib loosoo celiyo si loo helo ciyaartoy tayo lehna ay muhiim tahay in la helo garsoor tayo leh.


 

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale ka qeyb galayaasha kula dardaarmay in ay si joogta ah usoo xaadiraan uga faa’iideysan koorsadan muddada 7 maalin ah ee ay socon doonto.

 

Ugu damabeyn waxaa seminaarka u furay Gudoomiye ku xigeenka Gos ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Cabdi Xasan Wataac, waxuunna sheegay in Guddiga Olombikada uu soo dhaweynayo dadaalka uu xiriirka ugu jiro horumarinta aqoonta garsoorka oo ah laf-dhabarka xiriirka, waxuuna intaa kud aray in dadaalka uu halkiisa kasii wado dhamaan xiriirada dalkana laga doonayo in ay sare u qaadan aqoonta qeybaha kake gedisan ee isbootiga si loo gaaro horumar ciyaraha dalka oo dhan.


 

 

Hogaanka cusub ee Xiriirka kubadda Miiska iyo tan iyo doorashadiisa 31 January ee sandkan ku qaaday talaabooyin horumnineed oo muuqda, sida tayaynta garsoorka , ka qeyb galka ciyaaraha heerka caalami, sare u qaadidda tirada naadiyada.


W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

 

Waaxda Warfaafinta GOS

Info@Nocsom.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.