Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Somalia oo ka qayb-gashay shir-weynaha Guddiyada Olimbikada adduunka oo lagu soo Gaba-gabeeyay Prague+Sawirro

0
Sunday November 05, 2017 - 16:32:19 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 3427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia oo ka qayb-gashay shir-weynaha Guddiyada Olimbikada adduunka oo lagu soo Gaba-gabeeyay Prague+Sawirro

    Guddiga Olimbikada Somalia ayaa magaalada Prague ee dalka Czech Republic uga qayb-galay shirka sanadlaha ah ee guddiyada Olimbikada adduunka, kaasi oo ay ka soo qayb-galeen xubno matalayay Olimbikada wadamada caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olimbikada Somalia ayaa magaalada Prague ee dalka Czech Republic uga qayb-galay shirka sanadlaha ah ee guddiyada Olimbikada adduunka, kaasi oo ay ka soo qayb-galeen xubno matalayay Olimbikada wadamada caalamka.

 

Shirkan oo ahaa shirweynihii 22-aad Waxaa uu socday oo muddo seddex maalin ah waxaan looga hadlay arimo muhiim ah oo la xiriira ciyaaraha olimbikada iyo sidii loo daryeeli lahaa ciyaar-yahanada caalamka marka ay gaaraan waqtiga howl-gabka.


 

Qorshahan ayaa la isla qaatay in uu si rasmi ah u dhaqan-galo inta la gaarayo sanadkan 2020-ka, waxaana goobta laga sheegay in dhibaatadan ay tahay mid haysata dhammaan ciyaar-yahanada adduunka qaybahooda kala duwan.

 

Somalia waxaa shirkan uga qayb-galayay gudoomiyaha Guddiga olimbikada mudane Cabdulaahi Axmed Tarabi iyo ku xigeenkiisa Ibraahim Abuukar Shaamoow ,waxaana kulankaas sidoo kale lagu xasuustay dhammaan hogaamiyayashi Sports-ka ee geeriyooday.

Waqfdiga GOS intii uu shriak socday kulamo gooni ah la qaatay masuuliyiinta IOC ee shirka kasoo qeyb galay, sidoo kale waxey kulan gaar ah la qaateen Guddomiga Olombikda dalak Qadar waxayna codsadeen sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhismaha iyo dayac tirka garoomada Isboortiga dalka.

Madaxdii furitaanka shirkan ka hadashay waxaa kamid ah Thomas Batch oo ah madaxweynaha olimbikada iyo xubno kale oo ah oo uu ka yahay Shiekh Ahmed Al-fahad oo kamid ah madaxda guddiga Olimbikada adduunka.

 

Ugu danbayn, qodobada kale ee kulankan sanadlaha ah lagu soo hadal qaaday waxaa kamid ah musuq-muusaqa , xill xubno ka tirsan guddiga ay wali wajahayaan baaritaano la xiriira in ay ku kaceen musuq-maasuq intii ay xafiiska joogeen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.