Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka oo 12 sano kadib tartanka ka furay Muqdisho+Sawiro

0
Saturday December 02, 2017 - 10:39:34 in Xiriirka Teeniska Dheer by Nocsom Editor
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka oo 12 sano kadib tartanka ka furay Muqdisho+Sawiro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer ayaa marki u horeyy 12 sano kadib magaalada muqdisho ka furay tartan loogu magac adaray Muqdisho Open, waxaana xafaladii furitaankaoo ka dhacaday xarunta degamd Shibis kasoo qeyb galay Guddoomiyaha GOS Mudane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee Tennis-ka dheer ayaa marki u horeyy 12 sano kadib magaalada muqdisho ka furay tartan loogu magac adaray Muqdisho Open, waxaana xafaladii furitaankaoo ka dhacaday xarunta degamd Shibis kasoo qeyb galay Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, Xubnaha guddiga Fullinta GOS, Madxda xiriirka Tennis-ka, maamulka degmada Shibis iyo marti sharaf kale.


Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Xogyaha Gudd ee Xiriirka Tennis-ka Xamze Xaaji Cabdi waxuu sheegay in kadib daaal dheer ay bishii Maarso ee sandkan ku guuleysteen in ay dib usoo nooleeyaan xiriirka oo aan 12 sano wax shaqo ah qaban.



Xoghayaha Xamze ayaa intaa ku daray in ciyaarta tartanka ka qeyb galeysa ay diyaarinayeen afarti bil ee lasoo dhaafay ujeedka tartankana uu yahay in laga helo ciyaartooy dib usoo celisa sumcadii ciyaarta Tennis-ka ku lahayd dalka iyo dibadda, waxuuna mahd celin usoo jeediyey maamulada degmooyinka Shibis iyo Boondheer oo gacan ka siiyey in ay xarumahoda tababar ku qaataan, iyo macallimiinta xiriirka uu aafarti bil ee lasoo dhaafay u taagnaa sidii ay aqoontooda ugu biirin lahaayeen ciyaartoyda.


Guddoomiye ku xigeenka Degmada Shibis Maxamed Xasan, iyo Guddoomiyah Isboortiga Gobolak Xasan Wiish oo xaflada ka hadlay ayaa muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada horumarinta Ciyaarta Tennis-ka.


 

Madaxa Ariamah Xiriirka GOS Xaaji Maxamed Axmed Colow oo taranka daah furay ayaa sheegay in ay GOS oo soo dhaweyneyso dadaalada xiriirada dalka guud ahaan, gaar ahaan Xiriirka Tennis-kaoo mdddooyinki mdabe shaqeyn, waxuna inta kudaray in GOS ay ka qeyb qaadan doonto sidii xiriirka Tennis-ka dib ugu soo noqon lahaa halkii uu joogay.


Xaaji Colow ayaa dhanka kale tibaaxay in ciyaarta Tennis-ka ay ka mid tahay ciyaarihii ug horeeyay Somaaliya laga ciyaaro waxuuna ciyaartoyda kula dardaarmay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaagsan oo asluub ku saleysan.


 

Tartanka Tennis-ka Muqdisho Open waxaa ka qeyb galayaa in kabdan 30 ciiyaarayahan oo Wiilal iyo Gbadho isug jira, waxaana lagu tartami doona tartamada kali kaliya iyo kuwa labaanaha.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda warfaafinta GOS


info@nocsom.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.