Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa tababarka horumarsan ee lagu baranayo maamulka iyo maareeynta isportiga (Advanced Sports Management Course) u furay madaxda xiriirada Isporti ee dalka ka jira iyo qaar kamida ardayda jaamacadaha,
Furitaanka tababarkan
waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin
ka socotay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, madaxda guddiga olombikada Soomaaliyeed, xubno ka socday xiriirada isboortiga ee dalka
ka jira, qubaro isboorti iyo marti sharaf kale.
Lataliyaha Guddoomiye
Ahan Xogihyihii ug horeeyay ee GOS
Maxamed Xuseen Haadi iyo Guddoomiye
sharafeedka GOS Cabdulqaadir Ibraahin
Gacal Abkow oo xafladda furitanaka ka
hadlay ayaa tilmaamay in aqoonta isbortiga oo sare loo qaadaa ay muhiimad gaar
ah u leedahay horumarinta isboortiga dalka, waxayna ka qeyb galayasha kula dardaarmeen in ay ka
faa’iideystaan koorsadan ugna faa’iideeyaan
jiilka ka dambeeya.
Guddoomiyaha GOS
Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo goobta ka hadlay ayaa tilmamay in
Tabarkan uu ka mid ah qorshaha GOS ee horumarinta aqoonta masuulyiinta isboortiga dalka,
dhallinyarda jecel in ay ka qeyb qaataansare u qaadida
isboortiga dalka.
Guddoomiyaha ayaa
intaa ku daray in GOS ay ka go’an
tahay in
aysare u qaado aqoonta qeybaha kale gedisan ee isboortiga, waxuuuna
ka qeyb galayaasha kula dardaarmay ka
faa’iideystaan koorsann muhiimada weyn ku fadhida.
Gebogabadii
waxaa goobtaka hadlay koorsadana furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda
Dhalinuyarda iyo Isboortiga , Isaaq
Xaashi Jimcaale ayaa sheegay in tababarkan uu wax weyn ka badali doono hanaanka
horumarinta Isboortiga dalka,
waxuuna ammaan ballaaran usoo
jeediyey.
Agaasimaha ayaa
dhanka kale tilmamay in tababarkan ay qabaneso GOS oo gacan ka heleysa Olympic Solidarity basle loo baahan yahay in la helo
tababar soomaaliya ay qabaneyso soomaaliyana ay maal gelineyso wasaaraduna kaalinteeda ay ka qaadan doonto.
Tababarkan oo ay ka
qeyb qaadanayaan 24 qof oo ka socda xiriirada,
ururuada iyo ardayda jaamcadaha dalka ayaa socon doona muddo hal sano ah waxaana lagu
baran doona.
Hannanka maamulka
wanaagsaan , maaliyadda, Suuqgeynta qorsheynta,
abaabulida tartamada, shuruucda iyo hogaan wanaagga, waana markii
labaad ee GOS u qabato masuuliyiinta qeybaha kale gedisan ee
isboortiga dalka.
GOS oo Tababarka Horumarsan ee maamulka Isboortiga ka furtay Muqdisho+Sawirrm
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa tababarka horumarsan ee lagu baranayo maamulka iyo maareeynta isportiga (Advanced Sports Management Course) u furay madaxda xiriirada Isporti ee dalka ka jira iyo qaar kamida ardayda jaamacadaha,