Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Fullinta GOS oo Shirki koowaad ee sanadlaha Muqdisho ku yeeshay+Sawiro

0
Thursday January 11, 2018 - 01:40:35 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Fullinta GOS oo Shirki koowaad ee sanadlaha Muqdisho ku yeeshay+Sawiro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta ee sanadk 2018, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta ee sanadk 2018, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.


Shirkan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa looga hadlay Waxyaabihii GOS u qasboomay sanadkii tagay iyo qorshaha sadexda bilood ee soo socda.


Agaasimaha GOS Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay), ayaa ugu horeyn waxuu xubnaha Shirka si faahfaahsan uga warbixyay waxyaabihi ugu muhiimsanaa ee GOS u qabsoomay sanadki tagay, waxuuna xusay , Aqoor kororsi loo sameeyay Xogyhaynta GOS, tabar loo qabtay maaamulada xiriirad iyo Ururada, Tababar loo qabtya macalliinta kubadda Gacanta iyo kuwa Ciyaaraha Fudud oo ka dhacay dalka Dijbouti, tababarka horumarsan ee maamulka iyo Maareynta oo loo qabtay Masuulyiinta xiriirada dalka , Ururada iyo ardayda jaamacadaha iyo diyaarinta ciyaartoy loo carbinayo tartamada heerka caalami ee ciyaaraha fudud oo xero iyo tababar joogta ah loo sameeyay.



Intaa kadib xubnaha Guddiga Fullinta ayaa soo dhaweeyay howlihii quruxda badnaa ee sanadki tagay la qabtay, waxayna gudo galeen ka doodida qorshe howleedyada ugu soo horeeya sanadkan waxaan si weyn loo gorfeeyay suurta gelinta tartamada heer iskuul oo qeybaha kale gedisan ee isboortiga maadaama iskuulada ay yihiin aas-aaska, waxyana dhanka kale isku raaceen in Shirwaynaha GOS oo Bisha January la qaban jiray loo wareejiyo Bisha Maarso.


Gegbogadbii waxaa shirka ka hadlay guddoomiiyah GOS mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, waxuuna sheegay in GOS ay sanadki hore xoogga saartay aqoonta taasoo laf-dhabar u ah horumarada Isboorti, sidoo kale waxuu guddoomiyaha intaa kudaray in ay GOS xero tababar iyo nafaqeyn dhammeystira u sameysay ciyaartoyada ciyaaraha fudud kuwaa oo loo diyaarinayo ciyaaraha Olombikada Adduunka 2020 iyo taramada kale ee kasoo horeeya isla markaana xeradan ay sii furnaan doonto ciyaartoyda bandhiga wanaagsan sameeyana dibadda tababaro heerkoodu sareeyo loogu qaadi doono isla markaana ciyaartoy da’yar oo mustaqbal leh ay xerada u diyaarin doonaan kuwaa oo laga soo xulay gudahha dalka iyo dibadaba.


Waaxda Warfaafinta GOS

Email: info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.