Shir sanadeedkan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga Marti sharaf ka kala socotay Guddiga Olombikada soomaaliyeed , wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha, madaxda kooxaha Xiriirka kubadda koleyga , Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka, qubaro isboorti iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.
Gudoomiyaha xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga Mudane C/lahi Nuur Maxamed Cadaani oo ugu horeyn
munaasabada ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii xiriirkiisa u
qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay iyo waxa sanadkan u qorsheysan, waxuuna
tilmaamay in inta badan qorshe howleediuu si wanaagsan ugu qabsoomay, basle ay sanadkan doonayaan in dardar
xooggan uugeli doono xiriirka.
Sidoo kale waxaa goobta iyana ka hadlay masuliyiin kala
duwan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha Isbortiga ee gobolkan Banaadir waxeyna
dhamaantood bogaadiyeyn wax qabadka ay sanadkii lasoo dhaafay muujiyeyn
maamulka xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga.
Ugu dambeyn Dahabo Suusoow oo ka mida Xildhibaanada golaha
shacabka ayaa aad u amaantay shaqada wanaagsan oo ay qabteyn maamulka xiriirka soomaliyeed ee kubadda
koleyga waxeyna dhinaca kale dalbatay in la kordhiyo tartamada kala duwan
ee gabdhaha loo qabto.
Kadib qudbadha
Masuuliyiinta waxaa Goobta XubnanaShirweynaha oo ka koobnaa14 ay codeyn u qaadeen wax ka
adban lagu sameeyo qodobka 32 ee Dastuurka xiriirka kaasoo dhigayay in ay
Xoghayaha Xiriirka lasoo dooranayo,
waxayna 13 kamid ah u codeeyeen in
Waxii ka dambeeyay mudada afartsano uu Xoghayaha magacaabis noqon doono waxaana
kasoo horseestay hal cod , taasoo
kadhigan cod ansax ah.
Dhanka kale
waxaa Guddoonka xiriirka uu soo bandhigay xubno cusub oo
xiriirka kubadda Koleyga kusoo biiraya kuwaas uu guddoomiyaha Xiriirka uu sheegay in loogu talo galay in
ay door lixad leh ka qaataan, waxana wehliyeyxubno sharaf uu xiriirka ku dhawaaqay waxayna kala noqdeen.
Xilalka la magacaabay
1-Injineer Baana Cabdalla CaliXiriiriyaha Xiriirka
Soomaaliyeed kubadda Kolayga Hey’adaha
Caalamiga
Cabdullaaahi JimcaaleMaalin ( Cabdi bile) kaaliyaha
Xoghayaha Howlaha Fullinta
Faadumo Aweys
Maxamed ( Madaxa Mini Basketball-ka
Cabdifitaax Maxamed Macoow ( Buukaale ( si Kumeel gaar
ah Madaxa Arimaha Danaha Ciyaartoyda )
Xubin Sharafeedka Xiriirka Soomaaliyeed ee
kubadda Koleyga
Raiisul Wasaaraha
Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre uu Xubin
Sharaf ka noqonaya Xiriirka
Soomaaliyeedd ee kubadda Koleyga.
Laacibadii Hore kubada Koleyga Caasho Xasan Xuseen isla
markaana Kamid ah Saraakiisah Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed oo iyana xiriirka
uu u gartay Xubin sharafeed.
Shir Sanadeedka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda koleyga oo lagu qabtay magaaladan Muqdisho, Xilli go'aano cusub ay kasoo baxeen +Sawirro
Shir sanadeedkan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga Marti sharaf ka kala socotay Guddiga Olombikada soomaaliyeed , wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha, madaxda kooxaha Xiri