Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirwaynihii GOS oo Mogadishu lagu soo gabagabeeyey+Sawirro

0
Thursday March 08, 2018 - 00:47:19 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirwaynihii GOS oo Mogadishu lagu soo gabagabeeyey+Sawirro

    Guddiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabo-gabeeyey Shir-weynihii Guddigaasi,kaasi oo 6-7-da bishan march ka socday hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay Gudoomiye Ku-xigeenka Arimaha bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabo-gabeeyey Shir-weynihii Guddigaasi,kaasi oo 6-7-da bishan march ka socday hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay Gudoomiye Ku-xigeenka Arimaha bulshada ee Gobolka Banaadir ,Madaxda GOS,Madaxda Xiriirirada , Ururada wakiilada Shanta Zone ee Olombikada iyo marti sharaf kale, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi.

Img Description

Agaasimaha GOS Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay ) ayaa ugu horeyn Shirweynaha Kusoo bandhigay Howlihii ballaarnaa ee GOS u qabsoomay2017, waxaana ka mid ah Qabashada tababaro gudaha dibada ka dahcay kuwaa oo lagu hormarinayey aqoonta maamulka iyo macallimiinta Xiriirada dalka, Dajinta qorshe Howleedka 2017-2021, diyaarin iyo xero dhammeysiran oo loo sameeyay ciyaartoyda ciyaaraha Fudu kuwaas oo loo carbinayo ciyaaraha Olombikada Adduunka Da’yarta 2018 iyo Tokyo 2020. 



Dhanka kale waxaa Shirweynaha lagu soo bandhigayQorshaha horumarineed ay sanadkan GOS tiigsaneyso oo ka kooban, koorsooyin dhanka aqoon kororsiga oo la qaban doono, dhisidda xero gaar ah oo ay yeelanayaan ciyaartoyda, miisaaniyadda Sanadka 2018, waxaana kadib falanqeyn dheer oo ay xubnaha ka doodeen shirweynaha lagu ansaxiyey qodobadii lagu horey loogu soo ansaxiyey Shirkii Guddiga Fullinta.

 Sidoo kale waxaa Shirweynaha lagu ansaxiyey  afar xiriir oo  sadex kamid ah dib loo soo   dhisay iyo mid ku cusub Soomaaliya, waxayna kala ahaayeen Teeniska Dheer, Feerka , Dabaasha iyo Badmintonka .


Guddoomiye ku xigeenka arimah Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ooka hadashay Shirweynaha ayaa sheegtay in Guddiga olombikada Soomaaliyeed uu howlo ballaaran oo lagu faano karo ka qabtay isboortiga dalka, ka gobol ahaana ay ka qeyb qaadan doonaan horumarka iyo dadaaalka uu kujiro GOS.


Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo shirweynaha soo xeray ayaa tilmaamay insanadki 2017 lagu tallaabsaday guulolagu faani karo, sanadkan ay qorsheynayaan in ay laba jibaaran sida ku cad qorshe howledka lagu soo bandhigay Shirweyanaha.


Guddooyaha ayaa dhanka kale Xubnaha Shirwanaha ee isuga jira Xiriirada ururuada ururada iyo Gobolka ka dalbaday inay sare u qaadaaan dadaalkooda ku aadan Horumarinta Isboortiga Dalka.


 


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS 

Info@nocsom.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.