Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Firinbigii Nattijada Badalay, Maxaa kala qabsaday Plasma iyo Banaadir SC koobka kubadda Kolayga Jeneraal Daa'uud 2018 ?+Sawirro Cajiib ah

0
Monday April 02, 2018 - 11:19:04 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Firinbigii Nattijada Badalay, Maxaa kala qabsaday Plasma iyo Banaadir SC koobka kubadda Kolayga Jeneraal Daa'uud 2018 ?+Sawirro Cajiib ah

    Kooxaha Plasma iyo Banaadir SC ayaa garoonka Wiish kusoo bandhigaykulanki ugu xiisaha badnaa tartanka kubadda Koleyga Jeneraal Daa'uud 2018 oo si xiiso leh uga socda garoonka Wiish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Plasma iyo Banaadir SC ayaa garoonka Wiish kusoo bandhigaykulanki ugu xiisaha badnaa tartanka kubadda Koleyga Jeneraal Daa'uud 2018 oo si xiiso leh uga socda garoonka Wiish.

Labada koox ayaa garoonka soo galay iyadoo koox kastaay wareega labaad ugu soo baxdokaliya guul , kadibmarkii ay min hal guul ay kasoo gaareen kooxda Sancada halka ay guuldaro kala soo kulmeen Kooxda Heegan oo Group B kaalinta koowaad uga soo baxday.


 

 

BanaadirSC oo ay u ciyaarayaan xiddigo u badan dhallinyarda Soomaaliyeed ee waqooyiga America kusoo barbaaray xirfadan kusoo bartay ayaa wajahay xiddigaha Plasma oo ay u ciyaaraan ciyaartoyda ugu wanaagsan xiddigaha daka xirfadan ku bartay, waxaana ciyaartan xiisaha badeyd usoo daawasho tagay masuulyiinta xiriirka iyo madax kale oo taariikh wanaagsan ku leh ciyaarta kubadda Koleyga.



Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar weerar ku dheehan oo ay xirafdeedu sareyso, waxaana 10-ka daqiiqo ee ugu horeysay lagu kala nastay 19-16 oo ay hogaanka ku hayaan Wiilasha Banaadir.


10-ka labaad ayeeylabada koox halkooda kasii wadeen weerar oo xirfado cajiib ah xiddigaha labada qeyb ay soo bandhigayeen waxaase markale gacanta sare heshay Naadiga Banaadir SC waxaana qeybta hore lagu kala nastay 35-31 .


 

Kadib wadatashi ay qeybta nasashada sameeyeen labada koox 10-ka saddexaad ee ciyaarta isbadel ayeey sameysaynaadiga Plasma waloow aysanBanaadir-na is dhigan waxaana Ka dhacday kalkeeyga aan koleyga kurito waxaana 10-ka saddexad lagu kala nastay 50-50.


Qeybta afaraad ayeey labda koox markale wacadarahooda halkooda kasii wadeen Wiilasha Banaadir ayaa markale gool dhallin cajiib ah iyo baas aad loogu bogay lasoo baxay waxayna la wareegeen hogaanka,Plasma ayaa dhankeeda sameysay soo kabasho wanaagsan waxayna ciyaarta daqiiqidihi u dambeeyay noqotay mid jahwareer ku rida taageerayasha labada koox oo mid istaag ku dhameystay ciyaarta.


Plasma ayaa 5 qalad uu galay ku wyesay xiddigoda ugu muhuumsan Cabdirisaaq Axmed Dable Mandella, waxaaana hoos u dhacay rajadooda, basle waxayna ciyaartu gaartay in daqiiqadi u dambeysay iyadoo mareysa 69-69 ay mar wada kulmaan seeriga dhammaadka ciyaarta iyo qalad ay galeen kooxda Banaadir SCwaxuuna Garsoore CabdiCabdulle Baasaale Plasma U dhigay Labo tuurasho oo xor ah waxaana u tuuray laacibkooda Liibaan oo no-5 u sita tan koowaad ayuu qaladay waxuusue ansaxiyey tan labaad waxayna sidaas Plasma ugu dabaal degtay 70-69 oo ay ku xaqiijiyeen in ay usoo baxaan wareega afar – dhammaadka tartanka.


Plasma ayaa kulanka Afar-dhamaadka wajahi doonta kooxaha Horseed iyo Dekedda oo ku loolami doona kulanka kaalinta koowaad ee Group A.


 

Diyaarinta iyo Sawirada : Xuseen Maxamed Hadafow

 

 

 


 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.