Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

MaalintaNabadda iyo Horumarka Isboortiga oo orodka gaaban ee Marathon-ka lagu xusay+Sawirro

0
Friday April 06, 2018 - 17:34:01 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 13764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    MaalintaNabadda iyo Horumarka Isboortiga oo orodka gaaban ee Marathon-ka lagu xusay+Sawirro

    Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho lagua qabtay tartanka orodka Gaaban ee Muqdisho (Muqdisho Mini Marathon kaasoo lagu maamuusaay munaasabadaha maalinta nabada iyo hormarka Isboortiga adduunka iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho lagua qabtay tartanka orodka Gaaban ee Muqdisho (Muqdisho Mini Marathon kaasoo lagu maamuusaay munaasabadaha maalinta nabada iyo hormarka Isboortiga adduunka iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed.



Munaasabadadan oo si heersare loo soo agaasimey waxaa qaban qaabadeeda iska kaashaday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga , Maamulka Gobolka Banaadir ciyartoydi hore ee ciyaaraha Fudud oo uu ugu horeeyo Cabdi Bile Cabdi oo orodka1500 mtr Horyaalka Adduunk biladda dahabka ugu soo hoyey Soomaaliya 1987 , 500 ciyaartoy ka socotay qeybaha kale gedisan ee Xiriirada dalka iyo 17 degmo ee gobolka Banaadir.



Orodka laga soo bilaabay Aargada KM4 ayaa lagu soo gebogabeeyay fagaaraha Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana kaalmaha hore ku dhammeystay Cali Iidow Xasan, Cabdisalaan Maxamed Axmed iyo Maxamed Muxudiin Yalaxoow.


Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarda iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye , Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Yariisoow iyo Cabdibile Cabdi oo goobta ka hadlay ayaa dhammaanmuujinyey muhiimada uu isboortiga u leeyahay horumarka dalka iyo isdhexgalka bulshada, waxayna bulshda iyo Dowlada ugu baaqeen in ay uwada istaagan ka qeyb qaadashada horumarka isboortiga dalka.


Xuska labadamunaasabad oo shanti ee lasoo dhafay si joogta loogu qabanayey caasimadda dalka ayaa jawi wanaagsan kusoo dhammaaday waxaana abaalmarino la guddoonsiiyey ciyaartoydi kaalmaha hore ku dhammeystay tartanka.


 

 

 













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.