Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Tababar Muqdisho uga furtay Tababarayasha kubadda Kolayga Soomaaliya+Sawirro

0
Monday July 23, 2018 - 08:37:14 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Tababar Muqdisho uga furtay Tababarayasha kubadda Kolayga Soomaaliya+Sawirro

    Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay tababarka tababarayaasha kubadda Kolayga darajada Koowaad (Technical Course For Basketball Coaches Level One, waxaa tababarkan soo qaban qaabiyay Guddiga Olombika Somaaliyeed oo kaashanaya Olympic Solid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay tababarka tababarayaasha kubadda Kolayga darajada Koowaad (Technical Course For Basketball Coaches Level One, waxaa tababarkan soo qaban qaabiyay Guddiga Olombika Somaaliyeed oo kaashanaya Olympic Solidarity waxaana tababarkan bixinaya qabiir ka socda Xiriirka kubadda Kolayga Adduunka( FIBA ).


Xafladda Furitaanka oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay Wasaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga , Guddiga OlombikadaSoomaaliyeed iyo XSKK, waxaana ugu horreyn goobta ka hadlay Guddoomiyaha XSKK Mudane Cabdullaahi Nuur Maxmed Cadaani waxuuna sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahya orsho sanadeeka Xiriirka uu uguo talo galay Horumarinta macallimiinta isagoo kaashanaya GOS.




 

Guddoomiye Cadaaniayaa dhanka kale tilmaamay in Ujeedka tababarkan uu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiinta kubadda Kolayga dalka si ay usoo saaraan kooxo tayo leh, sida heerarka Iskuulada, Degmooyinka iyo gobollada dalka, waxuuna mahad celin u jeediyay Olympic Solidarity , IOC, FIBA , iyo Guddiga Olombika Soomaaliyeedoo u istaagay suurto-gelinta Koorsadan waxuuna Macalimiinta kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka isla makaana laga doonayo macalin walba uu aqoonta kula laabto halkii uu kayimid soona saaro ciyaartoy dhaxalgal ah.


Macalinka tababarkan Bixinaya oo u dhashay dalka Masar ,SamyElsharony, oo xaflada ka hadlay ayaa yiri” Waan ku faraxsanahay inaan imaado Soomaaaliya oo dalkayga oo kale ah isla markaanataariikh wanaagsan ku leh kubadda Kolayga qaaradda Afrika, waxaana doonayaa in ay siwanaagsan ugu faa’iideeyo macallimiinta dhallinarada u badan ee korsada ka qayb galaya.”waxaana ka rajaynayaa in koorsadan ay wax wayn kusoo kordhin doono xirfadooda macallinimo, sarena u qaadi doonto macalimiinta kubadda Kolayga Soomaaliya.


Madaxa Arimaha Xiriiirada GOS Xaaji Maxamed Axmed Colow ayaa dhankiisa tilmaamay in tababarkan uu ka mid ah qorshaha GOS ay sanad kasta ugu talo gashay horumarintaQaybaha kale gedisan ee xiriira Isboortiga dalka, macalmiintanasiibka u yeeshayna laga doonayo in ay ka faa’iidaystaan una faa’iideeyaan dhallinyarada Soomaaliyee ee jecel kubadda Kolayga.


 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada IsboortigaIsaaq Xaaji Jimcaale oo tababarka furay, ayaa GOS ku amaanay dadaalka ay ugu jirto soo saarista macallimin tayadeeu sarayso, waxuuna macallinta kula dardaarma in ay si hufan uga faa’iidaystaan macalinka qabiirka ah.

Img Description

Tababarkan oo ay ka qayb galayaan 25 Macallinayaa socon doona muddo todobaad ahiyadoo lagu baran doono qaabka xeeladaha kubadda Kolayga iyo heerarka aas-aasiga macallinka u diyaar karo koox guulaysata.


 

 


Waaxda Warfaafinta GOS

Email: Info@nocsom.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2025     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.