Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Fullinta GOS oo shirki sadddaxaad ee sanadkan ku yeeshay Muqdisho+Sawirro

0
Friday July 06, 2018 - 20:01:40 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Fullinta GOS oo shirki sadddaxaad ee sanadkan ku yeeshay Muqdisho+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada muqdisho ku yeeshay shirka sadddaxaad ee guddigiisa fulinta ee sanadkan 2018, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada muqdisho ku yeeshay shirka sadddaxaad ee guddigiisa fulinta ee sanadkan 2018, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.


Shirkan oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa looga hadlay Waxyaabihii GOS u qasboomay saddaxdi ee lasoo dhaafay iyo qorshaha sadexda bilaha ka haray sandkan.


Agaasimaha GOS Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay), ayaa ugu horeyn waxuu xubnaha Shirka si warbixyay waxyaabihi GOS u qabsoomay , sadadaxdi bil ee lasoo dhaafay, waxuuna xusay , xuska munaasabadaha maalinta Isboortiga iyo Horumarinta Adduunka iyo maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyeed oo sanadkanlagu xusay orodka Gaaban ee Muqdisho( Mogdishu Mini Marathon) taasoo gacan ka gaysteen Wasaaradda Dhallinyarda iyo Isboortiga iyo Gobolka Banaadir.



Xuska Maalinta Caalami ee Olympic Day oo dhacdooyin isboorti oo kale duwan lagu xusay, Qabashada Koorsada Maamulka iyo Maaraynta Isboortiga( ASMC) iyo Ciyaaraha Olympa Africa Futbolnet iyo howlaha dhismaha Xarunta ciyaartoyda iyo diyaarinta ciyaartoydaxeraysan.


Intaa kadib xubnaha Guddiga Fullinta ayaa soo dhaweeyay howlihii quruxda badnaa ee sbilihii lasoo dhaafay qabsoomay , waxayna gudo galeen ka doodida qorshe howleedyada bilaha ka dhiman sandkan.


Gegbogadbii waxaa shirka ka hadlay guddoomiiyah GOS mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, waxuuna sheegay in GOS ay lixdi bil ee lasoo dhaafay ay Howl badan oo wax ku ool ah ay u qabsoomeen inta ka dhiman sandkan ay howlo badan horumarkaIsboortiga dalka ay u qorshaysan tahay, xooggana ay saari doona horumarinta xagga aqoonta oo hadda qaybo kamid ah socdaa, sidoo kale qorshaha ugu jirto sidii ay xero dalka dibadiisa ah ugu heli lahaayeen ciyartoyda ciyaaraha Fudud ee dalka si loo helo ciyaartoy saacada wanaagsan sameeya.

 


i


Waaxda Warfaafnta GOS

Email: info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.