Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tababarka tababarayaasha kubadda Kolayga oo lasoo gebogabeeyay+Sawirro

0
Sunday July 29, 2018 - 20:18:43 in Wararka Gudaha by
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababarka tababarayaasha kubadda Kolayga oo lasoo gebogabeeyay+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho tababar ugu soo gebogabeeyay macallimiinta kubadda Kolaga, waxaana xaflada xeritaanka kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhallinyadar iyo Isboortiga, Safaaradda Masar ee Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho tababar ugu soo gebogabeeyay macallimiinta kubadda Kolaga, waxaana xaflada xeritaanka kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhallinyadar iyo Isboortiga, Safaaradda Masar ee Soomaaliya, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka Soomaaaliyeed ee kubadda Kolayga marti sharaf kale.


 

Tababarkan oo ahaa tababarka tababarayaasha dajarada koowaad(Technical Course For Basketball Coaches Level One) ayaa muddo todobaad ah ka socday magaalada Muqdisho, waxaana bixinayay qabiir ka socday Xiriirka kubadda Kolayga Adduunka una dhashay dalka Masar (SamyElsharony).



CabdirisaaqAxmed Dable( Mandela) oo kamid ahaa macallintii koorsadan ka qayb galayay oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in ay wax badan ka faa’iideen isla markaana ay diyaar u yihiin ay kasoo dhallalaan doorkooda.


Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Kolayga Cabdulahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa dhankiisa mahad celin usoo jeediyay, Guddiga Olombikad Soomaaliyeed o koorsadan suurto geliyay, waxuuna intaa ku daray intababarkan uu ka mid ah qorshaha uu xiriirka ku doonayo in isbadal muuqo laga helo kubadda Kolayga Soomaliya, waxuuna macallinmiinta ka dalbaday in ay aqoonta ay faa’iidaystaan natiijadeeda laga doonayo, macalliintana ay kula xisaabtami doonaan waxqabadkooda macallinti dadaalsamaysana ay ku abaalmarin doona fursadana ay usiin doonaan inay helaan korso darajada labaad ah.



Qabiirka tababarka bixinayay Samy Elsharony, ayaa xusay inSoomaaliya ay joogaan macallimiin da’yar oo fahamkoodu aad u wanaagsan yahay todobaad qurux badana uu la qaatay, isla markaana uu rajaynayo inuu markale Soomaaliya kusoo laabto si uu sare ugu sii qaado kubadda Kolayga Soomaaliya.


Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo xaflada xeritaanka ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay qorshaha Horumarinta ay GOS ugu talo gashay horumarinta isboortiga dalka Macallimiintana ay yihiin qaybta ugu muhiimsan maadaama laga doonayon in ay soo saaraan ciyaartoy tayo leh.


Guddoomiyaha ayaa dhanka kale u mahad celiyay Olympic Solidarity oo tababarkan ka caawiysay iyo FIBA , iyo Macallinka tababarka bixinayay Aqbaladiisa inuu Soomaaliya yimaado si wanaagsan ugu faa’iideeyo macalimiinta Soomaaliyeed, waxuuna macallimiinta kula dardaarmay inay la yimaadaan.


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyrada iyo Isboortiga oo tababarka soo xeray ayaa sheegay in sare u qaadida macallimiinta ay muhiim u tahay isboortiga dalka, waxuunaGOS ku amaanay dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee ay ugu jirto horumarinta Isboortiga dalka.


Agaasimaha ayaa dhanka kale tilmaamay in Tababarkandhaqaale iyo juhdi badan uu ku baxaybasle annagu ka wasaarad ahaan waxaan doonaynaa inaan aragno macallimiintan oo bixinaya koorsadan oo kale.


Koorsadan oo muddo todobaad socotay waxaa ka faa’iidaystay25 macallin la guddoonsiiyay shahaada ay ku mutaysteen tababarka.


 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.