Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS Daah furtay xarun Cusub oo ay loogu talo galay Ciyaartoyda+Sawirro

0
Sunday August 26, 2018 - 09:42:55 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS Daah furtay xarun Cusub oo ay loogu talo galay Ciyaartoyda+Sawirro

    Guddiga olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu daah furayay xarun cusub oo loogu talo galay ciyaartoyda heer qaran ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga olombikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu daah furayay xarun cusub oo loogu talo galay ciyaartoyda heer qaran ee dalka.


Xafladaan oo si heersare loo soo agaasimay waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga, madaxda guddiga olombikada Soomaaliyeed , madaxda xiriirada iyo marta sharaf ay ka mid ahaayeen bahdii hore ee Isboortiga dalka.


 

Guddoomiyaha GOS iyo Agaasimaha Wasaaradda dhalinayarda iyo Isboortiga ayaa xariag si wadajir uga jarayxarunta Cusub waxayna masuuliyiinta iyo marti sharafta kale kormeer kusoo bixiyeen xarunta qaybaheeda kale gedisan, si casriyaysay loo qalabeeyay waxyana dhamaan ka maqsuudeen dadaalka ay GOS u gashay in ay sare u qaado horumarinta Isboortiga dalka.



 

Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi ooxaflada ka hadlayay ayaa tilaamayin horumarka Isboortigadalka ay aas-aas u yihiin ciyaartoyda Soomaaliyeed si ay taa u gaarane ayGOS waqti juhdi badan oo sanado qaatay ay ku bixisay sidii loo gaari lahaa guushan taariikhiga.


 

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray In GOS hadafkeedu ugu wayn uu yahay sidii ay guulo heer caalami ah ay ciyaartoyda Soomaaliyeed u gaari lahaayeen dadaal kastana ay ku bixinayaan., waxuuna mahad celinballaaran usoo jeediyay Wasaaradda Dhallinayrada iyo Isboortiga oo u ogaalatay in dhulkan ugu shaqeeyaan horumarinta Isboortiga dalka, Guddiga Olombikada Adduunka oo kaalin muhiim ah ka qaatay iyo Ganacsatada gacanta ka gaysatay suurtogelinta xarunta cusub oo xarun u noqon doonta dhamaan ciyaartoyda Soomaaliyeed.


 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo IsboortigaIsxaaq Xaashi Jimcaale ku dhawaaqay in ay xarunta si rasmi u furan tahay ayaa bogaadiyay dadaalka aan kala go’ lahyan oo ay GOS ugu jirto sare u qaadida Isboortiga dalka,waxuuna tilmaamay in xoogga la saaro Ciyaaraha Soomaaliya ku wanaagsan tahayee guulaha laga keeni gaar ahaan kuwa kali kaliga loo ciyaaro, Ciyaaraha Fudud iyo Kubadda Miiska oo u tusaale usoo qaatay.


 


Xaruntan cusub ayaa soo afjaraysa sanado badan oo ay GOS qarashku bixin jirtay xarumo gaar loo leeyahay si ay ciyaartoyda heer qaran gaar ahaan kuwa ciyaaraha ugu diyaarisyo ciyaaraha olombikada aadduunka.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.