Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo qabatay Wajigi shanaad ee Tababarka Horumarsan ee maamulka iyo maaraynta Isboortig+Sawirro.

0
Monday September 17, 2018 - 21:12:28 in Wararka Gudaha by
  • Visits: 26146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo qabatay Wajigi shanaad ee Tababarka Horumarsan ee maamulka iyo maaraynta Isboortig+Sawirro.

    Talaado-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-

 

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa wuxuu Tababarka Heerkiisu Sarreeyo ee Maamulka iyo Maareynta Isboortiga ah ( Advanced Sports Management Course), kaasoo ah wejiga Labaad Qeybtiisa Shanaad wuxuu Muqdisho ugu qabtay Mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirrada kala Duwan iyo Ururrada Isboortiga dalka.


Tababarka Wejigiisa labaad ayaa wuxuu ka furmay Hotelka Shamoow ee magaalada Muqdisho, waxaana koorsadan oo lasoo bilaabatay December 2017 soo qaban qaabiyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo kaashanayaGuddiga Olombikada Adduunka ee IOC iyo Olympic Solidarity.



Qaybta shanaad wajiga labaad ee Koorsada oo socotay laba maalin, waxaa maalinta koowaad 15 September 2018 ka qayb galayaasha koorsadan oo Xiriiro iyo Ururo isugu jiray ay sameeyeen bandhig ku aaddan sidii ay ugu dabaqeenqorshaha xiriiradooda casharadii ay ka barteenTababarka, ee dhinacyada hannanka maaraynta maaliyada iyadoo Qayb kastamarka bandhigooda dhamaysteenuu su’aalo waydiinayay Ustaad Aadan Maxmed oo koorsadan bixiyay iyadoo ka qayb galayaasha ay jawaabo ka bixinayeen, intaas keddibna waxaa ay halkaas qaadanayeen talooyinka ka maqan ee loosoo jeedinayay.


Markii uu bandhiga soo idlaaday Ustaad Maxamed ayaa aad u bogaadiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka faa’iidaystaan koorsadan xubnaha loo qabtay isagaoo tilmaamay heerka bandhiga iyo sida ay mas’uuliyiinta xiriirada casharada ugu dabaqayaan waxii halkan ka barteen ay tahay wax loo baahnaa.


Wuxuu sheegay in hadafka GOS ay koorsadaan u qabnayso uu yahay in ay Xiriirada iyo Urururada Isboortiga ay horumar la taaban karo ka sameeyaan xagga Maamulka, iyadoo maamulka oo hagaagana uu sahlayo Horumarka guud ee isboortiga dalka.


Dhanka kale waxaa maalintii labaad 16 September 2018 ka qayb galayaasha Koorsada qaateen casharo ku aadan hanaanka suuq gaynta, waxaa koorsadan bixiyay Professor Cabdulqaadir Abuubakar   Weah, Ustaad Axmed Guure iyo Ustaad Sakariye Cabdi Maxamed.


Qeybta Kooraska Suuq Geynta Isboortiga waa Cudud muhiim ah Muhiimna u ah Xiriirrada Isboorti ee dalka ka jira, maadaama uu habka suuq gaynta Isboortiga dalka uu hadda ku jiro soo Kabasho.


Ka qayb galayaasha ayaa lagu barayay qaybha Aas-aasiga u ahHabka suuqa gaynta sida, Dajinta qorshe Suuq Gayn , Abuurista fursadaha sahli kara, ka gudbida Caqabadha ku horgudban, hanaanka sharciyada, waxaana lagu soo bandhigay cilmi baaris ay wadamo badan oo caalamka ay sameeyaan sida ay baahiyahooda suuqa gayn xal ugu helaan iyo guulihii ay ka gaareen.


MasuuliyiintaXiriirada iyo Ururuada ka socda ayaa dhamaan soo dhaweeyay dadaalka iyo juhdiga ay GOS ugu jirto horumarintda aqoontooda Isboorti, waxayna mahad celin gaar ah usoo jeediyeeen Macalliinta Koorsadan bixiyay kuwaa aqoontooda iyo gudbintooda ay aad u saraysay.


Qaybta Lixaad ee Koorsadan ayaa lagu barran doonaa Habka abaabulaadda dhacdooyinka waa wayn ee Isboorrtiga waxayna horay usoo barteen , Qaabka maamulka ciyaaraha heer Olympic, dajinta Qorshaha fog, Maaraynta dadka, Habka maaliyada iyo Suuqa gaynta.


Waaxda warfaafinta GOS

Email: info@nocsom.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.