Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo qabatay Shirkii koowaad ee Guddiga Fullinta sanadkan

0
Thursday January 03, 2019 - 22:04:03 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo qabatay Shirkii koowaad ee Guddiga Fullinta sanadkan

    Guddigga Ololmbikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay shirka Guddigiisa Fullinta kaasoo ahaa kii koowaad ee sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddigga Ololmbikada Soomaaliyeed ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay shirka Guddigiisa Fullinta kaasoo ahaa kii koowaad ee sanadkan.

Shirkan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi waxaa kasoo qayb galay Xubnaha Guddiga Fulinta waxaana looga hadlay waxyaabihii GOS u qabsoomay Seddexdi bil ee lasoo dhaafay waxaana kamid ahaa Seminaarhabka ugu wanaagsan ay wadada Afrika ugu diyaarobi karaan ciyaaraha Olombikada Adduunka iyo Shirka Xoghayaashaolombikada Wadamada Afrika oo ka dhacay wadanka Mali oo ay ka qeyb galeen Xoghayaha iyo Agaasimaha GOS Maxamed Cabdow Xaaji iyo Cali Axmed Maxamuud( Kuukaay), Shirwaynaha 23-aad ee ANOC ee heer doorasho ah oo ay ka qayb Galeen Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo Agaasimaha GOS Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay) iyo Kormeer u agaasimaha GOS Cali AxmedMaxamuud kusoo sameeyay xerada tabarka diyaargarowga Ciyaaraha olombikada Adduunka ay ciyaartoyda qaranka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud ugu diyaargaroobayaan dalka Kenyasi uu qiimeyn ugu sameeyo heerka iyo isbadalka ay sameeyeen mudada ay ciyaartotoyda ku jireen xerada.



Xubnaha Guddiga fullinta ayaa ad usoo dhaweeyay holwha qabsoomay saddexdi ee lasoo dhaafay, waxanaa inta ay kadib ay ansaxiyeen go’aanadi shirkii hore.


Guddoomiyaha GOS oo gebogabadii goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadaalka ay GOS sameeysay ayshirrarki ay ka qayb galaeen kusoo heleen ammaan ballaaran iyadoo si gaar ah GOS loogu amaanay in ay kamid tahay uguna horayso wadamada sida joogtada looga helowarbxinada waxqabadka qaybkasta uga qabsoomay sanad kasta waliba sida ugu dhaqsiyaha badan taasoo ah tallaabo ay ka gaabiyeen wadamo badan oo qaaradda ah.


Xubnaha ayaa dhanka kale isku raacay xilliga la qabanayo shirka Xiga ee guddiga Fullinta iyo Shirwaynaha GOS oo lo asteeyay horaanka bisha Maarso.


 Waaxda warfaafinta GOS

info@nocsom.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.