Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Munaasabad lagu Weyneynayo, Maalinta Caalamiga ah ee Ciyaaraha, Nabadda iyo Horumarka oo lagu qabtay Gaalkacyo+Sawirro

0
Sunday April 07, 2019 - 22:38:37 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 131366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad lagu Weyneynayo, Maalinta Caalamiga ah ee Ciyaaraha, Nabadda iyo Horumarka oo lagu qabtay Gaalkacyo+Sawirro

    Munaasabad lagu dabbaal degayay maalinta caalamiga ah ee cayaaraha, horumarka iyo nabadda addduunka ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Galkacyo .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu dabbaal degayay maalinta caalamiga ah ee cayaaraha, horumarka iyo nabadda addduunka ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Galkacyo .


 

Munaasabaddan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliya, waxaana goobjoog ku ahaa marti-sharaf ay ka mid ahaayeen: Madaxweynahadowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geele ( Xaaf), masuuliyiinta magaalada, Galkacyo, Ururada dhallinyarada, isboortiga, Haweenka, golaha dagaanka labada qayb ee magaalada, Madashada nabadaynta oo ay ku midaysan yihiin dhallinayarada magaalada Galkacyo , Wakiilada GOS ee heer Zone iyo marti sharafkale.



Orod iyo tartanka kubadda Cagta ayaa lagu qabtay magaalada Galkacyo, waxaana orodka ay masuuliyiinta ka qayb qaadanayeen magaalada qaybaheeda kale duwan ay gaareen, waxaana intaa kadib kulan kubadda cagta uu dhex maray laba koox oo ka dhisan magaalada Galkacyo kuwaacayaar xirfadeedu sarayso oo ay dadwaynihii usoo daawashada tagay ay ka maqsuudeen kusoo bandhigay garoonka.


Masuuliyiinta munaasabadda ka qudbaysay oo aad usoo dhaweeyay in  dabbaaldegga munaasabadda Maalinta cayaaaha , Horumarka iyo Nabadda Adduunka ee mideysay dhallinyarada iyo dadwaynaha Galkacyo ay ahayd mid marhore   in lagu qabto mudnayd,waxyana ammaan iyo bogaadin usoo jeediyeen  guddiga Olombikada Soomaaliyeed dadaalka  juhdiga ay ku bixisay,waxayna ka dalbadeen in ay dhacdooyinka isboortiga joogteeyaan maadama isdhaxgalka dhallinyarada ay aad muhiim ugu yihiin.


Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee GOS Faadumo Cali Nuur oo laf-dhabar u ahayd qabsoomida Munaasabadan ayaa tilmaamtay in dadweynaha magaalada Galkacyo ay si wayn ugu soo baxeen , ayna muujinayso sida ay ugu hamuun qabaan nabadda iyo isdhax-galka.


" Galkacyo wax badan ayay usoo joogtay dhallinyarada oo  is dhibaataysa iyo kuwa  ka tahriiba oo badaha ku dhammaada, balse ururada dhallinyarada iyo madasha ay dhallinyarada ku mideysan yihiin ee magaalada ay door muhiim ah ka cayaareen in magaalada nabad hesho isdhax-gal laguqanci karana ay soo bidhaameen, waxayna si gaar ah ammaan ugu soo jeedisay in guddiga suurto geliyay in magaalada Galkacyo guddi isboorti oo midaysay yeelato, guddiga olombikada Soomaaliyeedna  ay kala shaqeyn doonto horumarinta Isboortiga , oo ay ugu horeeyaan dhismaha iyo dayactirka garoomada iyo tababarada la xiriira sare u qaadida aqoonta Isboortiga heerarkiisa kale duwan.


Munaasabadan oo ay sidoo kale wehlisay maalinta cayaartoyda Soomaaliyeed ayaa ahayd tii ugu horaysay oo ay GOS ku qabato magaalada Galkacyo, waxayna tani qayb ka tahay Qorshaha GOS e Hormarinta Isboortiga heer Gobol.


Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.