Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo tartamo kala duwan ku xustay Maalinta Olombikada adduunka+Sawirro

0
Sunday June 23, 2019 - 23:17:01 in Xiriirka Kubadda Laliska by Nocsom Editor
  • Visits: 6264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo tartamo kala duwan ku xustay Maalinta Olombikada adduunka+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Xuska Maalinta olombikada Adduunka taasoo 23 june Sanadka kasta looga dabaal dago dhammaan wadamada Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Xuska Maalinta olombikada Adduunka taasoo 23 june Sanadka kasta looga dabaal dago dhammaan wadamada Caalamka.

 


Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo sanad kasta tartamo kale duwan iyo dhacdo ciyaareed xiiso leh ku xusa munaasabaddan waxuu sanadkan Xeebta Liido ee magaalada Muqidisho ku qabtay tartanka Xeebaha Kubadda Gacanta iyo Kubadda Laliska.


Tartanka Kubadda Gacanta Xeebaha ( Beach Handball) oo ah dhacdo ku cusub dhallinyarada Jecel isboortiga daawashadiisa ayay si weyn ugu soo daawasho tageen waxayna aad ugu riyaaqeen koobka qaabka loo cayaaro tartanka Xeebaha ku guuleystay Dugsiga Banadir Zone, halka Tartanka Xeebaha ee kubadda Laliska ( Beach Volleyball oo tartamada taariikhiga ee dalka kami dh isla markaana aad u xiiso badnaa ay guusha koobka raacday kooxda Gift Star.



Sidoo kale tartanka Orodka ee cayaaraha Fudud ayaa Ardayda heer iskuul oo Wiilal iyo gabdho isugu jiray iyo dhallinyarada loo carbinayo in ay mustaqbal wanaagsan ku yeeshaan cayaaraha Fudud loogu qabtaygaroonka Banaadir kaasoo dhallinta ka maqsuudeen, waxaana halkaas kasoo muuqday da’yar qaab ku leh tartanka cayaaraha Fudud waxaana daawanayay oo garoonka ku sugnaa macallimiinta cayaraha fudud oo il gaar ah ku eegayay dhallinta tayadoodu sareyso ee tartanka kasoo muuqday.


Xuska maalinta waxaa loo asteeyay in lagu weyneeyo maalinta la aas-aasay Guddiga Olombikada Adduunka( International Olympic Committee) oo ku beegan 23 june 1894.


Waaxda Warfaafinta GOS

info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.