Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirka Gudiga Fulinta GOS oo looga hadlay Guulihii la gaaray iyo tiigsida Tokyo2020+Sawirro

0
Thursday July 11, 2019 - 20:21:30 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 3273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Gudiga Fulinta GOS oo looga hadlay Guulihii la gaaray iyo tiigsida Tokyo2020+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shirki saddexaad ee guddigiisa fulinta sanadan 2019, waxaana shir guddoominayay Guddoomiya GOS mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shirki saddexaad ee guddigiisa fulinta sanadan 2019, waxaana shir guddoominayay Guddoomiya GOS mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi.

Shirkan waxaa lagu soo bandhigay guulaha ay GOS gaartay tan iyo 2017 ahdaaftii GOS dagsatay ee 2017-2020, iyo tiigsida Tokyo 2020 waxaana si gaar ah loo xusay in guulihii la tiigsanayay mudada labada sano iyo barka ah natiijyooyin loo riyaaqo ay kasoo bidhaameen.


Guulaha sida gaarka loo iftiimiyay waxaa kamid ahaa xeraynta ciyaartoyda heer qaran ee cyaaraha Fudud ee gudaha iyo  dalka dibaddiisa oo sahashay in ay biilado dahab iyo maar isugu jira kasoo hoyaan tartamadi cayaraha fudud ee Djibouti iyo Rwanda lagu qabtay, Xiriirada Feerka iyo Taekwondo-ga oo bilado kale duwan dalka usoo hoyay horumarka laga sameeyay tababarada la xiriira sare u qaadida aqoonta maamulka isboortga ee loo qabtay Xiriirada iyo Ururada Isboortiga iyo in Soomaaliya  kamid ah saddexda dal ee ugu maamulka wanaagsan Isboortiga Qaaradda Afrika gudiyadiisa olombikada ee ku mideysan ANOCA(  Association of  National olymic Commitees of Africa).



Dhanka waxaa shirka lagu soo bandhigay qorshaha tiigsiga ciyaaraha olombikada Adduunka 2020 ka dhici doona magaalada Tokyo ee dalka japan, waxayna GOS u diyarisay afar xul oo kala ah Ciyaaraha Fudud, Feerka, Taekwordo-ga iyo Shatrinjiga oo ka qeybagalaya cayaaraha All African Games ee dalka Marocco ka dhici doona bisha Agoosto iyagoo tiigsanaya in ay kasoo helaan natiijo ay ciyaaraha Olombikada Adduunka uga qeyb geli karaan taasoo meesha ka saari doonta qoondada labada Ciyaaryahan ee Guddiga Olombikada Adduunka u siinayeen Soomaaliya tan iyo ciyaarihii Olombikada 2000 ee Sydney Australia lagu qabtay.


Xubnaha Guddiga Fulinta GOS ayaa soo dhaweeyay waxqabdka lagu tallaabsaday wwaxuuna Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi AXmed Tarabi oo shirka soo xeray Sheegay in kaliya aysan tartamada xoogga saari doonin basle ay ka go’an tahay in ay horumariyaan dhammaan qeybaha kale duwan ee horumarinta u baahan isboortiga dalka si ay ula jaanqadan Isboortiga  qaaradda iyo kan caalamka isla markaana loo diyaargaroobo diyaarinta qorshaha mustaqbal Fog ee horumarinta isboortiga dalka.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda warfaafinta GOS

info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.