Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS S waxqabadki sanadkan 2019 iyo qorshaha 2020 kusoo bandhigtay Shirka Guddigeeda Fullinta +Sawirro

2
Thursday December 19, 2019 - 19:22:11 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 3587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS S waxqabadki sanadkan 2019 iyo qorshaha 2020 kusoo bandhigtay Shirka Guddigeeda Fullinta +Sawirro

    Shirkan oo uu shir Guddoomiyanayay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi waxaa looga hadlay waxqabadki sanadkan sii dhamaanaya 2019 iyo guulihi I la gaaray iyo dajinta qorshe Howlaheedka 2020.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo uu shir Guddoomiyanayay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi waxaa looga hadlay waxqabadki sanadkan sii dhamaanaya 2019 iyo guulihi I la gaaray iyo dajinta qorshe Howlaheedka 2020.


Guulaha ay GOS gaartay  Dhacdooyinki ugu waa weynaa ee shirka laga xusay waxaa kamid ah biladiihi ay soo hoyeen ciyaartoyda cayaaraha Fudud ee ka qeybgalay ciyaarihii Djibouti International meeting iyo ANOCA Olympic youth games, natiijooyinka ammaanta mudan ay keeneen ciyaartoyda taekwondo-ga iyo Feerka ee ka qeybgalay ciyaaraha All African Games oo ay GOS juhdiga ballaaran ku bixisay si isbadal muuqda loo gaaro, koorsooyinka horumarinta aqoonta ee loo qabtay maamulada isboortiga iyo shirarka dibada ka dhacay oo ay GOS juhdi ku bixisay sidii isboortiga soomaaliyeed sare loogu qaadi lahaa.



Qorshe Howleed 2020dhanka horumarinta iyo miisaaniyaddadhaqaalaha 2020 oo ay falanqeyn dheer dheer kadib guddiga Fulinta ay ansaxiyeen.


Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo shirka soo xeray ayaa sheegay in GOS sanadkan 2020 ay halkeeda kasii wadi doonto dadaalada ay ku bixinayso dadaalada ay ugu jirto sidii xulal qaran oo awood leh ay uga qeybgali lahaayeen ciyaaraha Olombikada Adduunka gaar ahaan ciyaartoydaseddexda xiriir ee kala cayaaraha Fudud, taekwondo-ga iyo feerka oo tartamo badan ka qeybgali doona 2020 hadafkana uu yahay in Soomaaliya ay ciyaartoy badan oo tayadoodu sarayso ku yeelato ciyaaraha olombikada Adduunka 2020 oo ka dhici doona magaalada Tokyo ee dalka Japan.


Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in qorsha GOS ee 2020 ay qeybka yihiin horumarinta, taageerida, fursad u abuurida iyo sare u qaadida aqoonta ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ciyaaraha ku jira iyo kuwa ka fariistay, horumarinta dhanka aqoonta ee masuuliyiinta isboortiga iyo tartamada aas-aasiga oo qeybkasta oo isboortiga ah si loo helo ciyaaryahano wanaagsan oo muqtashbal ku yeesha xulalka qaran ee isboortiga dalka, waxuuna ugu dambeyn mahadcelin usoo jeediyay xubnaha Guddiga Fullinta sida wanaagsan ay uga qeyb qaateen shirka iyo go’aanadooda horumarinta ku saleysan.

Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday halganka uu ugu jiro in Soomaaliya ciyaartoy badan ku yeelato ciyaaraha Olombikada Adduunka ee magalada Tokyo ee dalka Japan ka dhici doona 2020 si ay Soomaaliya uga baxdoqoondada laba ciyaaryahan ee sanadihii lasoo dhaafay ku matalayay ciyaara Olombikada Adduunka.


Waaxda Warfaafinta GOS

info@nocsom.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.