. Guddiga Olimbkada Soomaaliyeed ayaa maanta si guul ugu soo gababeeyey Tababar Tababaryaasha heerka koowaada ee Kubadda Kolayga dalka Djibouti. Tababarkaan waxaa ka qeybqaatay 20 tababare ee Kubadda Kolayga ah. Tababarka wuxuu socday laga soo bilaabo 02-11/02/2010. Ka qeybgalayaasha tababarkaani waxay ka kala yimideen gobollada dalka iyadoo lagu soo xulay aqoontooda, khibradooda iyo weliba ka qeybqaadashadooda horumarinta ciyaarta Kubadda Kolayga ee Soomaaliya.
Tababarkaan waxaa iska kaashaday Guddiga Olimbikada Soomaalyeed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, FIBA iyo Guddiga Olimbikada Aduunka waaxdooda Olympic Solidarity oo iyadu maalgelisay tababarkaan.
Ujeedooyinka ugu waaweyn ee tababarkaan ayaa wuxuu yahay in tababaryaasha firfircoon ee da'da yar lagu baro farsamooyinka iyo xirfadaha macallinimo ee cusub ama modern-ka ah. Tababarrada noocaan oo kale ah waxay koq u qaadaayaan horumarinta ciyaarta Kubadda Kolayga ee wadanka Soomaaliya.
GOS oo Soo Gababaysay Tababar Tababarayaasha Kubadda Kolayga
.