Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta Soomaaliya Oo Ka Furmay Djibouti

0
Saturday February 13, 2010 - 16:33:32 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Super Admin
  • Visits: 2340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta Soomaaliya Oo Ka Furmay Djibouti

    Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta heerka 1-aad [IHF/OS-Coaching Course Level : Beginners-Advanced ]oo ay soo qabaqanqabiyeen IHF iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta heerka 1-aad [IHF/OS-Coaching Course Level : Beginners-Advanced ]oo ay soo qabaqanqabiyeen IHF iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna soconaya 12-19-0/02/2010. Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay  tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta heerka 1-aad [IHF/OS-Coaching Course Level  : Beginners-Advanced ]oo ay soo qabaqanqabiyeen IHF iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna soconaya  12-19-0/02/2010. Xaflad si heer sare loo soo agaasimay  kuna saabsan Furitaanka  tababarkan ayaa  waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiinta ugu sareysa Olambikada labada  dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada  Kubadda Gacanta  iyo Kubadda Koleyga Somalia . Ugu horeyn  waxaa  halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha XSK/Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo ka warbixiyay  agaasinka Tababarkan Kubadda Gacanta  wuxuu tibaaxay in XSKG inuu dadaal u galay hirgelinta Tababarka una soo xushay Tababarayaal  ku haboon .wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti XKKJ,XKCJ iyo saraakiisha xerada Ilaalada jamhuuriga iyo Khabiirka Hans Peter Thuum   wuxuuna kula dardaarmay  tababarayaasha  in ay ka faa`ideystaan Course-kan. Hans  Peter  Thumm  Khabiir ka socda IHF  una dhashay dalka Germany ahna Tababaraha tababarayaasha Kubadda Gacanta  Soomaaliyeed  ayaa wuxuu  sheegay inuu ku faraxsan yahay  tababarkan   wuxuuna sheegay in uu wax badan ka caawini doono Tababarayaasha isla markaasna  uu ku rajo weyn yahay in si wanaagsan uu ku dhamaado Tababarkan . Kusimaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya  Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe ayaa  tibaaxay in ay farxad u tahay inuu arko  sida weyn ee isboortiga Soomaaliyeed kor loogu qaadayo  wuxuu GOS ku amaanay dadaalka badan ee ay u galeen horumarinta tayeynta  Tababarayaasha Soomaaliyeed  wuxuuna kula dardaarmay  in ay si weyn uga faa`ideystaan tababarkan. Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Somaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroo [Wiish]  ayaa ka dhawaajiyay in wixii ka dambeeyey doorashadii ka dhacday Jabuuti 18-ka Maarso 2009 laguna doortay Guddi Fulin ee cusub ay GOS ku talaabsatay horumar aad u weyn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.