Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta heerka 1-aad [IHF/OS-Coaching Course Level : Beginners-Advanced ]oo ay soo qabaqanqabiyeen IHF iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna soconaya 12-19-0/02/2010. Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta heerka 1-aad [IHF/OS-Coaching Course Level : Beginners-Advanced ]oo ay soo qabaqanqabiyeen IHF iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna soconaya 12-19-0/02/2010.
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay kuna saabsan Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiinta ugu sareysa Olambikada labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada Kubadda Gacanta iyo Kubadda Koleyga Somalia .
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha XSK/Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo ka warbixiyay agaasinka Tababarkan Kubadda Gacanta wuxuu tibaaxay in XSKG inuu dadaal u galay hirgelinta Tababarka una soo xushay Tababarayaal ku haboon .wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti XKKJ,XKCJ iyo saraakiisha xerada Ilaalada jamhuuriga iyo Khabiirka Hans Peter Thuum wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha in ay ka faa`ideystaan Course-kan.
Hans Peter Thumm Khabiir ka socda IHF una dhashay dalka Germany ahna Tababaraha tababarayaasha Kubadda Gacanta Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay tababarkan wuxuuna sheegay in uu wax badan ka caawini doono Tababarayaasha isla markaasna uu ku rajo weyn yahay in si wanaagsan uu ku dhamaado Tababarkan .
Kusimaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe ayaa tibaaxay in ay farxad u tahay inuu arko sida weyn ee isboortiga Soomaaliyeed kor loogu qaadayo wuxuu GOS ku amaanay dadaalka badan ee ay u galeen horumarinta tayeynta Tababarayaasha Soomaaliyeed wuxuuna kula dardaarmay in ay si weyn uga faa`ideystaan tababarkan.
Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Somaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroo [Wiish] ayaa ka dhawaajiyay in wixii ka dambeeyey doorashadii ka dhacday Jabuuti 18-ka Maarso 2009 laguna doortay Guddi Fulin ee cusub ay GOS ku talaabsatay horumar aad u weyn.
Tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta Soomaaliya Oo Ka Furmay Djibouti
Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta heerka 1-aad [IHF/OS-Coaching Course Level : Beginners-Advanced ]oo ay soo qabaqanqabiyeen IHF iyadoo ay maalgelinayso Olympic Solidarity, wuxuuna s