Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalka 4aad Ee Volleyball Beach Oo La Soo Xiray

0
Monday March 29, 2010 - 13:15:52 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalka 4aad Ee Volleyball Beach Oo La Soo Xiray

    Waxaa xeebta AL CURUBA magaalada Muqdisho laga gabagabeeyay horyaalkii 4-aad ee Wiilasha Kubadda Laliska Xeebta [Volleyball Beach] oo socday 18-26/3/2010.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xeebta AL CURUBA magaalada Muqdisho laga gabagabeeyay horyaalkii 4-aad ee Wiilasha Kubadda Laliska Xeebta [Volleyball Beach] oo socday 18-26/3/2010.  Waxaa  xeebta AL CURUBA magaalada Muqdisho laga gabagabeeyay horyaalkii 4-aad ee  Wiilasha Kubadda Laliska Xeebta [Volleyball Beach]  oo socday 18-26/3/2010. Ugu horeyn waxaa xeritaanka horyaalkan  ka soo jeediyay  ereyo ku aadan abaabulka ay u gashay xiriirka K/Laliska hirgelinta qabashada Horyaalka 6-aad  Guddoomiyaha  XSKL Prof. Maxamed Cali Caddow isagoo ku dheeraaday in xiriirkooda ku dadaalay iyadoo dalka marxalad xun uu ku jiro qabashada ciyaaraha lagu ciyaarayo xeebta. Guddoomiyaha Xiriirka K/Laliska Prof. Maxamed  Cali Caddoow ayaa  mahadceliyay ciyaaryahanada iyo madaxda kooxaha iyo shirkadaha ka qeybqaatay horyaalkan isagoo ku amaanay sida ay mar walba ugala shaqeeyaan horumarinta isboortiga gaar ahaan K/Laliska  wuxuuna ciyaaryahanadii ka qeybqaatay tartankan ugu mahadceliyay si asluubta leh ee ay tartankan uga qeybqaateen. Sidoo Kale Xeritaanka  Horyaalka 4-aad ee wiilasha  Kubadda Laliska  waxaa ka hadlay mas`uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka  Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] wuxuu ku amaneen xiriirka K/Laliska qaabka wanaagsan ee ay u soo agaasimeen horyaalkan ,wuxuu  tilmaameen in uu  xiriirka dadaalkiisa ku aadan qabashada  tartamada uu noqdo mid joogto ah si loo helo jiilal difaaca ciyaarta K/Laliska Soomaaliyeed. Tartanka ayaa waxaa ka qeybgalayay 10 kooxood  oo kala ah Horseed, Gasko, Natiolink, D/hoose, Feero, Heegan, O.F.C, D/Muqdisho, Sunrise iyo Elman.Ciyaarta Final-ka  oo ay isaga horyimaadeen Horseed vs. Heegan ayaa waxay guusha si xarago leh ku raacday kooxda Horseed oo 2-0 ku hantay horyaalkii 4-aad.Waxaana ugu danbayntii halkaasi lagu bixiyay bilado, Koobabkii kaalimaha hore iyo  shahaadooyin la guddoonsiiyay dadkii gacanta ka gaystay qabsoomidda horyaalkan.Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin ka tirsan G.O.S iyo xiriirada hoos yimaada marti sharaf iyo taageerayaal aad u badan oo xiiseeya ciyaarta Kubadda Laliska ee lagu ciyaaro xeebta. Waaxda Warbaahinta ee GOS


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.