Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS Oo Seminar U Furay Xiriirada & Ururrada Isboorti

0
Monday March 29, 2010 - 13:22:01 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS Oo Seminar U Furay Xiriirada & Ururrada Isboorti

    Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay seminaar muddo 2 maalin soconaya oo loo qabtay madaxda hey`adaha isboorti ee dalka ka jira, waxaana mudada uu seminaarku socdo lagu baranayaa casharro la xariira maamulka isboortiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay seminaar muddo 2 maalin soconaya oo loo qabtay madaxda hey`adaha isboorti ee dalka ka jira, waxaana mudada uu seminaarku socdo lagu baranayaa casharro la xariira maamulka isboortiga. Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay seminaar muddo 2 maalin soconaya oo loo qabtay madaxda hey`adaha isboorti ee dalka ka jira, waxaana mudada uu seminaarku socdo lagu baranayaa casharro la xariira maamulka isboortiga. Xubnaha ka qebgalaya seminaarkan ayaa waxaa ay ka kala socdaan xiriirada iyo ururada isboorti ee hoos yimaada guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana guddoomiye ku xigeenka 2aad ee GOS Xaaji Cabdi cilmi Warsame  uu sheegay oo seminaarka furay uu sheegay in aqoon kororsiga ay weli ka muuqdaan xubno hore u soo qaatay wuxuu tilmaamay in taasi ay la micno tahay in weli loo baahan yahay in si weyn dhinaca maamulka xiriirada loo kobciyo.   "Waxaana ugu tala galnay aqoonta maamulka isboortiga in lagu sii horumariyo, waayo markii maamulada ay horumarsan tahay aqoontooda waxaa hagaagsanaanaya howsha la qabanayo aqoon kororsiyada  maamulka lagu baranayo midkii labaad ayaan qabanay waxaana inoo qorshaynaa sanadkiiba saddex jeer kuwo kalena waan qaban doonnaa" ayuu yiri guddomiyaha GOS Aadan Xaaji yabaroow Wiish oo qeybtii danbe ku soo biiray munaabadii furitaanka seminaarkan.   "Waan ku faraxsanahay in maanta inay nala joogaan mas`uuliyiintii ugu sareysay GOS, waxa aad halkaan ka kororsataan waa in aan laga dareemaa xiriirada aad ka timaadeen ka dareen balanteenuna waa wax qabad dhab ah oo la taaban karo" ayuu yiri guddomiyaha GOS oo hadalkiisa ku wajahayay guddoomiyeyaasha iyo xogahyeyaasha xiriirada iyo ururada seminaarkan kasoo qeybgalay.   Semninaarkan [National Sports Adminstraion Seminar] oo ay macalimiin ka yihiin Maxamed Axmed Tarabi iyo Cabdirashiid Xaaji Nuur, waxaana casharada lagu qaadanayay ka mid ahaa qaabka maamulka qorsheynta [Strategic Planning]. Waaxda Warbaahinta ee GOS       


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.