Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shir-Sanadeedka GOS oo Lagu Qabtay Muqdisho

0
Monday March 29, 2010 - 14:26:55 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir-Sanadeedka GOS oo Lagu Qabtay Muqdisho

    Hotelka Saxafi International ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay shirsanadeedka GOS oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha Guddiga Fulinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hotelka Saxafi International ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay shirsanadeedka GOS oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha Guddiga Fulinta. Hotelka Saxafi International ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay shirsanadeedka GOS oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha Guddiga Fulinta.  Shirsanadeedkan [Somali Olympic Committee-NOC Annual General Meeting] ayaa waxaa  khudbad dheer oo ku aadan waxqabadka  GOS mudada halka sano ka soo jeediyay Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] oo tibaaxay in GOS inay qabteen howl baaxad leh oo dhinaca horumarinta. "Waxaan hore u balanqaaday doorashada inaan wax badan qabano Mudadan halka sano waxaan qabanay howlo badan sida dhinaca tababarada iyo horumarinta xiriirada, dayactirka garoomaada Puntland, sameynta buugga waxqabadka xiriirada oo markii ugu horeysay la daabacay iyo ka qeybgalka shirarka caalamiga ah" ayuu yiri Guddoomiye Wiish oo ku daray in xiriirada loo baahan yahay in ay dardargeliyaan howlaha isboortiga ee horyaala.   "GOS waxay cagta saartay wadadii cadeyd , waxaana ku rajo weynahay waxqabad dhab ah inaan isboortiga ku hogaamino mudada aan xilka hayno, waxaan abuuraynaa kaadiriin cusub oo noqdo madaxdii berito dalka meel kasta oo ka mid ah waan gaarsiin doonaa howlaha horumarinta isboortiga ee qorshaha ugu jira GOS" ayuu ku daray Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish].   Sidoo kale waxaa shirweynahan ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee GOS xagga arimaha dibadda Duraan Axmed Faarax oo ku adkeeyay xiriirada in ay howlahooda ku balaariyaan gobolada dalka ayna ka faa`ideystaan waxqabadka xiriirada Caalamiga ah isagoo sheegay in isboortiga uu yahay midka isku keena bulshada  loona baahan yahay in si hufan loo wada shaqeeyo wuxuu kula dardaarmay xiriirada inaysan fursad siinin kuwa doonaya in ay carqaladeeyaan habsami u socodka howlaha GOS.   Intaas ka dib Guddoomiyaha GOS Aadan X. Yabaroow [Wiish] ayaa soo jeediyay  in Sanad walba bisha December shirweynaha la qabto iyo in loo baahan yahay in lagula xisaabtamo xiriirada waxqabadkooda  isla markaasna aysan isku mid noqon doonin xiriir shaqeeya iyo mid aan shaqeyn wuxuu soo jeediyay in la sameeyo guddiga dhaqaalaha iyo la xisaabtanka  xiriirada taas oo markii danbe ay ansixiyeen  guddiga fulinta shaqeynta guddigani  oo loo magacaabay xubanaha kala ah:   1.    Xaaji Cabdi Cilmi Warsame                       Guddoomiye   2.    C/llaahi Axmed Tarabi                             Xoghaye   3.    Ibraahim Xuseen Cali    (ROOMBO)            Xubin   4.    Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow)   5.    Khadiijo Aadan Daahir   6.    Aweys Maxamed Abati (Orafeeyo) Dhanka kale Xiriirada hoos yimaada GOS ayaa waxaa ay mid mid uga warbixiyeen waxqabadkooda waxaana shir-sanadeedkan GOS  si buuxda uga qeybgalay madaxda sare ee GOS ugu danbeyntiina qado sharaf   ayay wada qaateen  guddiga fulinta GOS, marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay iyadoo jawi degan ay ku soo idlaatay. Waaxda Warbaahinta ee GOS


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.